WAR HADDA SOO DHACAY: Ciidamo ka socda Ethiopia oo gaaray Balad-Xaawo

Balad-Xaawo (Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in goordhow magaalada Balad-Xaawo ee gobalka Gedo ay gaareen ciidamo badan oo ka socda Ethiopia, kuwaasoo doonaya in ay kala dhex galaan ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna oo halkaas ku dagaalamay.

Dad ku sugan Balad-Xaawo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay arkeen baabuurta dagaalka oo ka soo talaabay dhinaca Doolow kuwaasoo gudaha u soo galay magaalada.

Magaalada Balad-Xaawo waxaa weli ka taagan xiisad dagaal oo u dhexeeya ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna.

Ciidamada Ethiopia ee gaaray Buulo-Xaawo ayaa la sheegay in ay halkaas u tageen siddii ay u kala qaadi lahaayeen ciidamada ku dagaalamay magaalada.

Dagaalka labada dhinac waxaa ku dhintay inta la ogyahay seddax qof tira aan la cayimina waa ay ku dhaawacmeen sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com