Nairobi (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa diyaarad yar oo sidday shaqaale caafimaad oo shalay galab ku dhacday xaafad ku taala duleedka magaalada Nairobi.
Hay’adda Amref Flying Doctors ayaa sheegtay in diyaaradda oo nooceedu ahaa Cessna ay ka kacday garoonka diyaaradaha ee Wilson galabnimadii Khamiista, iyadoo ku sii jeedday magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Waxaana ka dhashay khasaare isugu jir dhimasho iyo dhaawac, iyadoo gebi ahaanba ay burburtay diyaaraddu.
Lix ruux ayaa ku geeriyooday shilkan, halka 4 kamid ah dadka dhintay ay ahaayeen dhakhaatiir, kalkaaliyayaal iyo duuliyihii diyaarada, halka labada kalena ay ahaayeen dad ku sugnaa dhismaha ay diyaarada ku dhacday.
Diyaaradda ayaa burburka ka dib waxaa qabsaday dab, waxa ayna ku dul dhacday dhismo ku yaal xaafadda Githurai ee magaalada Nairobi. Baarayaal ayaana halkaasi loo diray si ay u baaraan sababta keentay shilka.
Sida ay shaacisay hay’adda duulista rayidka ee Kenya, diyaaradda ayaa lumisay xiriirka raadaarka saddex daqiiqo kaddib markii ay hawada gashay, taas oo dhalisay dareen degdeg ah oo sababay in lala socdo xaaladda.
Maamulaha guud ee shirkada iska leh diyaaraddan ee Amref, Stephen Gitau ayaa dhankiisa sheegay in ay si buuxda ula shaqeynayaan laamaha maamulka duulista iyo kooxaha gurmadka deg-degga ah si loo fahmo waxa dhacay.
Ciidamada Kenya iyo booliska qaranka ayaa gaaray goobta uu shilku ka dhacay si ay u fuliyaan howl-gal baaritaan ah iyo ururinta haraadiga diyaaradda.
Amref oo ah hay’ad samafal caafimaad ayaa ka howl-gasha meelo badan oo ku yaalla geeska Afrika, oo ay ka mid tahay Somaliland. Waxay ka qayb qaadataa mashaariic caafimaad oo ay kamid yihiin xoojinta adeegyada caafimaadka aasaasiga ah iyo wacyigelinta ka dhanka ah gudniinka fircooniga ah.
Shaqada hay’addan ee Somaliland waxay qeyb ka tahay istaraatiijiyadooda guud ee horumarinta caafimaadka Afrika, iyadoo la kaashanaysa hay’ado maxalli ah iyo kuwo caalami ah si ay u hirgeliyaan barnaamijyadooda caafimaad.
Hay’addan ayaa waxay wada-shaqayn buuxda la leedahay bulshooyin ku baahsan 35 dal oo Afrikaan ah si ay u tababaraan shaqaalaha caafimaadka, u gaarsiiso adeegyo muhiim ah, isla markaana ay u dhisto nidaamyo caafimaad oo waara.
Si kastaba, shilalka ay ku lug leeyihiin diyaaradaha yar yar ayaa ah kuwo mararka qaar laga dareemo Bariga Afrika. Bishii Abriil ee sanadkii hore, taliyihii guud ee ciidamada Kenya ayaa ka mid ahaa 10 qof oo ku dhintay shil diyaaradeed oo dhacay Kenya, wax yar kadib markii ay duushay diyaarad milatari.
Arbacadii, Wasiirradii Difaaca iyo Deegaanka dalka Ghana Edward Omane Boamah iyo Ibrahim Murtala Muhammed iyo Lix ruux oo kale ayaa ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Ashanti ee koonfurta dalkaasi, kadib markii ay la dhacday diyaarad Helikobter ah.

