28.9 C
Mogadishu
Tuesday, November 4, 2025

War ka cusub fadeexadda muuqaalkii ceebeyey Israel iyo gabadhii ka dambeysay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tel Aviv (Caasimada Online) — Booliska Israel ayaa xiray haweeneydii horrey u qaabilsaneyd xeer ilaalinta militariga, kaddib fadeexad ka dhalatay muuqaal la faafiyay oo muujinayay tacaddiyo loo geystay maxaabiis Falastiiniyiin ah, tallaabadaas oo sii hurisay kiis kala qaybiyay Israel, isla markaana cambaareyn kala kulmay ra’iisul wasaaraha.

Saraakiishu waxay sheegeen in S/Gaas Yifat Tomer-Yerushalmi la xiray habeenimadii Isniinta. Waxay qiratay inay faafisay muuqaalka tacaddiga la sheegay ee ka dhacay saldhig militari.

Sidoo kale waxaa kiiskan lala xiriiriyay oo la xiray xeer ilaaliye kale oo hore, Gaashaanle Matan Solomesh.

Xariggoodu wuxuu soo afjaray dhacdooyin is xigxigay oo dhacay dhammaadka asbuuca, oo ay ku jirtay waqti kooban oo la waayay Tomer-Yerushalmi maalintii Axadda, taasoo dhalisay baaritaan ballaaran kaddib markii gaarigeeda la helay isagoo yaalla xeebta Tel Aviv.

Faafinta muuqaalka Sde Teiman

Kiisku wuxuu salka ku hayaa muuqaal laga duubay kaamiradaha ilaalada ee saldhigga militariga Sde Teiman, oo ah xarun lagu hayo Falastiiniyiin lagu qabtay intii uu socday dagaalka Gaza, kuna taalla koonfurta Israel.

Muuqaalkan, oo uu baahiyay telefishinka Channel 12 ee Israel bishii Ogosto 2024, ayaa u muuqday mid muujinaya askar tacaddi u geysanaysa maxbuus Falastiini ah.

In kasta oo falkaas la sheegay ay qarinayeen ciidamo gaashaammo sitay, haddana muuqaalku wuxuu kiciyay carro caalami ah iyo dibadbaxyo ka dhacay gudaha Israel.

Xeer ilaaliyeyaasha militariga ayaa markii dambe bishii Febraayo eedeymo u soo jeediyay shan askari oo keyd ah, iyagoo ku eedeeyay inay tacaddi daran u geysteen maxbuuska, falkaas oo ka dhashay dhacdo dhacday 5-tii Luulyo, 2024.

Warqadda dacwadda ayaa lagu sifeeyay “in maxbuuska lagula kacay tacaddi daran, oo ay ku jirto in walax af leh laga geliyay dabadiisa.” Waxay intaas ku dartay in tacaddigu uu sababay “dhaawac jireed oo halis ah,” oo ay ku jiraan feero jaban, sanbabka oo dalool galay, iyo dillaac gudaha ah oo futada ah.

Xarunta Sde Teiman waxaa loo furay in lagu hayo tiradii badneyd ee maxaabiista Falastiiniyiinta ee lagu soo qabqabtay dagaalka Gaza. Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku andacooday in xaruntaas ay ka dhaceen xadgudubyo baahsan.

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu wuxuu ku tilmaamay faafinta muuqaalka “weerarkii ugu darnaa ee sumcad dilis ah” ee Israel lagu qaado taariikhdeeda. Faafitaanka muuqaalka iyo baaritaankii xigay waxay sii huriyeen khilaaf siyaasadeed oo xooggan.

Is-casilaad iyo xarig

Tomer-Yerushalmi waxay ku jirtay fasax ka hor inta aysan is-casilin Jimcihii, iyadoo warqad ay daabaceen warbaahinta Israel ku qiratay in xafiiskeedu uu ansixiyay sii deynta muuqaalkaas sannadkii hore.

Maalintii Axadda, waxaa la soo sheegay in la waayay dhowr saacadood. Qoyskeeda ayaa la xiriiray booliska, waxaana gaarigeeda laga helay Xeebta Hatzuk.

Warbaahinta afka Cibraaniga ku hadasha ayaa tebisay inay warqad kaga tagtay guriga, taasoo dhalisay baaritaan ballaaran oo ay sameeyeen booliska iyo ciidamada militariga.

Mas’uuliyiinta ayaa saacado kaddib helay iyadoo badqabta oo ku sugan magaalada Herzliya ee u dhow. Wax yar kaddibna waa la xiray.

Maxkamad ku taalla Tel Aviv ayaa amartay in la sii hayo ilaa duhurkii Arbacada, sida ay tebisay warbaahinta dadweynaha ee Kan.

Warbixintu waxay sheegtay in looga shakisan yahay “wax isdaba marin iyo ku takri fal aaminaad, ku takri fal awoodeed, carqaladeyn caddaaladeed iyo faafin macluumaad uu hayay shaqaale dowladeed.” Solomesh, oo ahaa madixii hore ee xeer ilaalinta militariga, ayaa isna wajahaya tuhunno la xiriira.

Wasiirka Amniga Qaranka, Itamar Ben-Gvir, oo ah siyaasi mayal adag oo dhaleeceeyay baaritaanka lagu hayo askarta, ayaa qoraal uu soo dhigay barta Telegram ku xaqiijiyay xarigga Tomer-Yerushalmi.

‘Kicin’ iyo saameyn siyaasadeed

Fadeexadda faafinta muuqaalka Israel waxay daaha ka rogtay kala qaybsanaan qoto dheer oo Israel jirta. Tomer-Yerushalmi waxay weerar kulul kala kulantay siyaasiyiinta mayalka adag iyo taageerayaashooda, kuwaasoo ku eedeeyay khiyaano iyo “inay dacaayad been abuur ah ka faafisay” askarta.

Kaddib markii la waayay, hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa ku eedeeyay jawiga siyaasadeed ee jira inuu sabab u ahaa dhibaatada soo gaartay.

Hoggaamiyaha Xisbiga Dimoqraadiga, Yair Golan, wuxuu sheegay inay la kulantay “isla habkii ‘khaa’innimo’ loogu shaabadeyn jiray” Yitzhak Rabin. Ra’iisul wasaarihii hore ee la dilay ayaa toddobaadkan ku beegan sanadguuradii 30-aad ee dilkiisa.

Madaxweyne Isaac Herzog ayaa ku baaqay deggenaansho. “‘Erayada xakamaha ka baxa waxay hurinayaan dab halis ah, nolosha ayayna khatar gelinayaan,’ ayuu ku soo qoray barta X, oo horey loo oran jiray Twitter. ‘Hadda waxaa lama huraan ah in xaaladda la dejiyo.'”

Nour Odeh oo Al Jazeera uga soo warramaysa Ramallah, ayaa sheegtay in diiradda la saaray qofkii muuqaalka faafiyay ay hoos u dhigtay dambigii asalka ahaa. “‘Waa hab lagu weecinayo dareenka oo looga jeedinayo xaqiiqda ah in dambiyadan ay dhacayaan,’ ayay tiri Odeh.”

Wasiirka Difaaca Israel Katz ayaa Axaddii la kulmay Taliyaha Ciidanka Difaaca Israel (IDF) Herzi Halevi, si ay uga wada hadlaan magacaabista qareen guud oo cusub oo loo magacaabayo militariga.

Wararku waxay sheegayaan in Katz uu doorbidayo musharrax “ka baxsan nidaamka” si uu u maareeyo saameynta ka dhalatay fadeexadda faafinta muuqaalka.

Halevi wuxuu sheegay inuu “kalsooni buuxda” ku qabo xafiiska sharciga ee militariga inuu “si xooggan uga soo kaban doono dhacdadan adag” ayna sii wadi doonaan shaqadooda si waafaqsan sharciga.

- Advertisement -

Read more

Local News