25.2 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

War ka cusub kiiska dilkii argagaxa lahaa ee haweeney iyo carruurteeda loogu geystay Galmudug

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada Ammaanka ee ka howl-gala dowlad-goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay laba ka mid ah saddex eedeysane oo lagu tuhunsan yahay in ay deegaanka Qaayib ku dileen haweeney iyo carruur ay dhashay.

Howl-galkan ayaa la sheegay inuu socday ku dhawaad 24 saacadood, isla markaana uu ahaa mid si gaar ah loogu beegsaday dadka looga shakisan yahay falkaasi argagaxa lahaa.

Saraakiisha hoggaamineysa howl-galka ayaa sheegay in ciidanku ay heleen xog muhiim ah oo horseeday qabashada eedeysanayaasha, iyadoo la tilmaamay in ay kaashadeen dad deegaanka ah oo soo gudbiyay macluumaad sirdoon ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada ay weli ku raad joogaan eedeysane saddexaad oo la rumeysan yahay inuu si toos ah uga qeyb qaatay falka dilka ah, waxaana la filayaa in uu gacanta ku soo dhaco saacadaha ama maalmaha soo socda.

Dhacdadan argagaxa leh ayaa habeen hore ka dhacday qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, iyadoo si arxan darro ah loo dilay hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay sheegay in xilliga la dilayay hooyada iyo carruurteeda ay hurdayeen, waxaana rasaas ooda kaga qaaday maleeshiyaadka oo madaxa ka wada toogtay, sidoo kalena waxaa dhaawac uu soo gaaray qof kale oo la joogay qoyska.

Allaha u naxariistee marxuumiinta ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Hooyo Sahro Cartan Xirsi iyo saddexdeeda gabdhood oo kala ah Nuurto Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed Maxamuud iyo Faa’iso Axmed Maxamuud, wuxuuna falkaan noqday mid ay ka argagaxeen shacabka.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in falkan uu salka ku hayo aano qabiil oo muddooyinkii dambe ka taagneyd deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud.

Galgaduud ayaa waxaa ku badan dilalka qorsheysan ee salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana ahayd dhawaan, markii nin shacab ahaa lagu dilay deegaanka Raxan-reeble ee gobolkaasi, kaas oo dilkiisu ay kasoo wareegtay maalmo qura.

Muddooyinkii dambe waxaa gobollada dhexe kusoo badanayay dilalka noocaan oo kale ah, waxaana ay ahayd dhawaan kadib markii Dr Cumar Cabdi Daahir (Surweyn), oo kamid ahaa dhaqaatiirta da’da yar ee ka howlgala degmada Gaalkacyo loo dilay aano qabiil darteed. Dhaqtarka ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay rag hubeysan oo toogtay, kadibna ka baxsaday goobta, kuwaas oo illaa iyo hadda aan lasoo qaban.

Waa dhaqtarkii labaad oo loo dilay sabab la xiriirta aano qabiil, waxaana horay sidaan oo kale isna Gaalkacyo loogu dilay Dr Sakariye Cabdi Jaamac oo loogu dhex-tegay xaruntiisa, kadib markii uu ugu galay nin ku labisnaa dareeska ciidamada oo watay qoray AK47 ah.

- Advertisement -

Read more

Local News