28.9 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

War ka cusub markabka hubka ee Puntland sii deysay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Markabka hubka waday ee MV Sea World ayaa la filayaa inuu kusoo xirto Dekedda Muqdisho si uu ugu dejiyo hubka iyo saanadda ciidan ee uu sido.

Markabkan oo dhawaan laga sii daayay dekedda Boosaaso oo ku dhawaad 20 maalmood uu ku haystay maamulka Puntland, kadib markii ay ka soo qabatay xeebta Bareedo ee u dhow Ras Xafuun.

Markabkan ayaa lasii daayay kadib markii uu maamulka Puntland sheegay in Turkida ay la wadaagtay cadeymo dhameystiran oo xaqiijinaya lahaanshaha saanada ciidan iyo hubka saaran markabka.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa ilaalada ka ah xerada TÜRKSOM ayaa heegan la geliyay, si ay u sugaan amniga intii lagu guda jiro hawsha dejinta saanadda militari ee saaran markabka, taas oo lagu xaqiijinayo badqabka daabulida iyo in ay wax carqalad ah dhicin.

Maamulka Puntland ayaa 4-tii bishaan sii daayay markabkan, iyadoo markabka iyo shixnadii saarnayd ku wareejisay dowladda Turkiga. Wareejinta markabka MV Sea World ayaa looga dhawaaqay kulan markaas dhexmaray Madaxweynaha Puntland iyo wafdi ka socday dowladda Turkiga oo uu hoggaaminayay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş.

Sii-deynta markabkan ayaa ku timid dadaal diblumaasiyadeed heer sare ah oo Imaaraadka u sameeyay Turkiga, maadaama uu si weyn ugu dhow yahay Saciid Deni, taas oo ugu dambeyntiina keentay in markabka iyo hubka uu siday lagu wareejiyo Turkida.

Inkastoo dowladda Soomaaliya aysan faahfaahin buuxda ka bixin tirada iyo nooca agabka militari ee saaran markabka, haddana ilo-wareedyo ayaa tilmaamaya in saanaddan loo qorsheeyay in lagu adeegsado tababarka ciidamada Soomaaliyeed ee xerada TÜRKSOM, halkaas oo ay macallimiin Turki ah ka wadaan howlo tababar.

- Advertisement -

Read more

Local News