WAR MURTIYEED.
Ku: Dawladda Federaalka Soomaaliya, UN, AU, EU, IGAD, Jaamacada Carabta iyo Safiiradda UK iyo USA ee dalka Soomaaliya.
Taariikh: 26 February 2015
Hogaanka Dhaqanka ee Galgaduud iyo Mudug waxay soo dhoweynayaan warsaxaafadeedka kasoo baxay beesha caalamka ee lagu taageerayo nabad kusoo dabaalida Dagaalada ka dhacay Guriceel, sidoo kale shirka dib u heshiisiinta iyo Nabad dhisida beelaha dega Gobolada Mudug iyo Galgaduud.
Anagoo ah hogaamiyayaasha dhaqanka ee labadaas gobol waxaan ka dalbanaynaa Ciidamada Xooga Dalka iyo Ciidamada ASWJ inay dhowraan xabad joojinta kasoo baxday guddiyadda dhexdhexaadinta ee kusugan Guriceel, sidoo kale waxaan beesha caalamka ka codsanaynaa inay taageeraan go’aanka kooxaha dhexdhexaadinta. Waxaan si gaar uga codsanaynaa ciidamada hawlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ee jooga gobolka inay kala dhex galaan dhinacyada ku dagaalamay Guriceel, ilaaliyaana heshiiska xabad joojinta ee laga gaaray dagaalada Guriceel.
Waxaan uga baaqeynaa IGAD , AMISOM iyo gaar ahaan Dawladdaha Jabuuti inay gacan ka geystaan dib u heshiisiinta socota iyo geedi socodka dhismaha nabadda Gobolada Mudug iyo Galgaduud, Waxaana si gooni ah uga codsaneynaa walaalaha Dawladda Jabuuti inay joogteeyaan dhexdhexaad ka ahaanshaha xaaladda ka jirta deegaanka.
Shirka dib u heshiisiinta oo ay isku xilqaameen hogaanka Dhaqanka Gobolada Galgaduud iyo Mudug oo ah markii ugu horeysay oo shir ceynkaas ah lagu qabto Gobolada Mudug iyo Galgaduud muddo 25 sano ah, taasoo ah arin fiican balse waxaa muuqanaysa Dawladda Federaalka Soomaaliya inay ka gaabineyso taageerada shirka dib u heshiisiinta iyo Nabad dhisidda gobolada dhexe, iyada oo door bideysa nidaam kor looga keenayo dadka goboladaas halkii ay aheyd iney taageerto nidaamkaan kasoo bilaawday hogaanka dhaqanka ee labada gobol.
Sidaa daraadeed waxaan ka codsanaynaa Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka iney taageeraan oo aqbalaan go’aanada iyo lahaanshaha geedi socodka shirka dib u heshiisiinta iyo Nabad dhisidda Gobolada Galgaduud iyo Mudug ee hogaanka dhaqanka labadaas gobol hormoodka ka yihiin kana socda Magaalada Dhuusamareeb.
Si loo hergeliyo xabad joojinta Guriceel, loona dhamaystiro geedi socodka dib u heshiisiinta ee shirka Dhuusamareeb Hogaanka Dhaqanka Gobolada Mudug iyo Galgaduud waxay go’aansadeen in shirka dib u heshiisiinta ku kordhiyeen inuu sii socdo shirku 25 maalmood oo kale oo ka bilaabanaysa 1-da March 2015, ayna shirka dib u heshiisiinta soo gunaanadaan 25/03/2015, sababta sidaas loo yeelay waxay tahay:-
1. Shirarka dib u heshiisiinta muhiimka ahaa ee beelaha u socday oo aan weli la dhamaystirin.
2. Qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka oo shirka dib u heshiisiinta muhiimka u ahaa oo ku maqan dhexdhexaadinta Guriceel.
Ugu danbeyn waxaan ka codsanaynaa Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka inay taageero xoogan la garab istaagaan siyaasiyan iyo dhaqaalo ahaanba shirka dib u heshiisiinta iyo Nabad dhisida ee ka socda Magaalada Dhuusamareeb . Sidoo kale waxaan beesha Caalamka, Hayaddana gargaarka iyo Soomaalida ka codsaneynaa inay kaalmo bini aadanimo lasoo gaaraan qoysaska ay saameeyeen dagaalada ka dhacay Guriceel.
Gudoonka iyo Marjaca hogaanka Dhaqanka ee Shirka dib u heshiisiinta iyo Nabad dhisidda Gobolada Mudug iyo Galgaduud
1. Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur
2. Sultaan Axmed Xasan Xuseen
3. Sultan Salad Axmed Ceynte
4. Ugaas Axmed Ugaas Faarax
5. Sultan Xasan Cabdulle Kaariye
6. Sultan Cabdulle Macalim Ibraahim
7. Nabadoon Ciise Macalin Maxamud
8. Ugaas Haaruun Ugaas Maxamed Ugaas Faarax
9. Duub Guud Jaamac Maxamed Xalane
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]