27.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Warar cusub oo kasoo kordhay dooda mooshinka ka dhanka ah R/W Saacid

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta baarlamanka Somalia, ayaa waxaa weli ka socoto dood aad u kulul oo u dhaxeysa xildhibaanada mooshinka ka keenay ra’iisul wasaare Saacid si kalsoonida loogala noqdo iyo kuwo difaacaya.

Illaa iyo hadda waxaa hadashay 28 xildhibaan, ayada oo tirada xildhibaanada hadalka loogu tala galay ay yihiin 80, oo min 40 ay u hadli doonaan labada dhinac.

Xildhibaanada doonaya in Saacid kalsoonida lagala noqdo ayaa ku dooday in xukuumaddiisa ay ku guul darreysatay inay wax ka qabato arrimihii loo xil saaray.

Kuwa Saacid difaacaya, ayaa iyaguna ku dooday in mooshinka uu yahay mid lacageysan oo aan daacad ahayn, islamarkaana laga soo abaabulay Villa Somalia.

Waxaa kullanka xaadir ku ah 247 xildhibaan, waxaana hadlaya 80 ka mid ah sida qorshuhu yahay.

Tirada xildhibaanada harsan oo aad u tira badan iyo waqtiga oo is guraya, ayaaa laga yaabaa in mar kale kullanka la isugu laabto berri, balse weli go’aankaasi laguma dhowaaqin, dooduna waa socotaa.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News