28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Warar dheeraad ah oo laga helaayo Khasaarihii ka dhashay qaraxii lala eegtay wasiirada K/G !!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah oo laga helaayo Gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in Qaraxii Miino ee shalay lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen Wasiiro ka tirsan Maamulka Koofur galbeed oo ka baxay Degmada Afgooye uu sababay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Mid kamid ah Mas’uuliyiinta Maamulka K/galbeed, ayaa xaqiijiyay in Qaraxaasi uu dhaawac kasoo gaaray ilaa seddex ruux uu midu yahay Wasiir ka tirsan Maamulka, halka labada kalane ay ka mid ahaayen Istaafka wasiirada la socday.

Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay laba ruux oo mid la sheegay in uu ahaa darawal la socday gaadiidkii Cabdi-bilaha ahaa iyo mid xoolo dhaqato ah oo wadada maraayay xiliga uu Qaraxa dhacaayay.

Qaraxa ay mas’uuliyiintaasi la kowsaday xili ay socdeen wado u dhaxeysa Deegaanka Lambar 50 iyo Magaalada Marka.

Majirto cid sheegatay ilaa iyo iminka Mas’uuliyada Weerarka, waxaana Warar madaxbanaan ay sheegayaan in Wasiirada ay ka koobnaayen 5 Wasiir.

Ujeedka Wasiiradaani qaraxa lala eegtay ayaa ahaa inay ku biiraan Wasiirada kale ee Koofur galbeed ee ku sugan Gobolka Sh/hoose.

Dhanka kale, Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in Wafdiga uu gogal xaar u yahay booqasho la filayo in Madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan uu ku tago Magaalada Marka, halkaasi oo ay ka soconeyso waanwaanta Beelo ku dagaalamay Gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News