25.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Warar ka cusub dagaallada GURI-CEEL

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Guriceel (Caasimada Online) – Odayaasha Golaha Dhaqanka Gobolada Dhexe oo u istaagay xiisadda ka aloosan Magaalada Guriceel, ayaa waxay maanta ku guuleysteen in xabad joojin kala dhex dhigaan Ciidamada Dowladda iyo Ahlu Sunna.

Odayaasha oo siyaabooyin kala duwan ula hadlay labada dhinac, ayaa waxay ku qanciyeen in marka hore xabadda la joojiyo, lagana wada hadlo waxyaabaha leesku diidan yahay, si dagaalada looga baaqsado.

Nabadoon Cadceed Sheekhdoon Diiriye oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee xalka nabadeed raadinaaya, ayaa waxa uu tilmaamay in labada dhinac ay kala dhex dhigeen calan nabadeed, si dagaalada loo joojiyo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in labada garab ay ka aqbaleen xabad joojintii ay ugu baaqeen, isagoo intaa ku daray in xabad joojinta ay si ku meel gaar ah u sameeyeen labada dhinac.

Nabadoon Cadceed, ayaa ku waramaaya inay ka shaqayn doonaan sidii xabad joojintaasi ay u waari laheyd, maadaama waxa wada dagaalamaaya ay yihiin buu yiri dad wada dhashay.

Nabadoonka oo siyaabooyin kala gedisan ula hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa soo hadalqaaday inay u adkeysan kari waayeen dagaalada Magaalada Guriceel, haddii waxa xabadda isku ridaaya yihiin dad aan kala fogayn.

C/risaaq Guure oo ka mid ah dadka ku haray Magaalada Guriceel, ayaa sheegay in xaalada Magaaladu ay maanta ka duwan tahay, labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News