25.8 C
Mogadishu
Friday, January 2, 2026

Wararkii ugu dambeeey ee xiisadda Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ka dartay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadan (Caasimada Online) — Duullimaadyadii garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadan ayaa hakad galay maalintii Khamiista, taas oo muujinaysa xiisadda sii kordheysa ee u dhaxaysa quwadaha Khaliijka ee Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo loolankoodu uu weji cusub u yeelayo dalka Yemen ee dagaalladu aafeeyeen. 

Garoonka Cadan, oo ah marinka caalamiga ah ee ugu weyn deegaannada ka baxsan gacanta Xuutiyiinta, ayaa waxaa buux-dhaafiyay rakaab safar ahaa, kuwaas oo si walaac leh u sugayay warar la xiriira duullimaadyadooda.

Goor dambe oo Khamiistii ah, ilo wareedyo Yamaniyiin ah ayaa sheegay in duullimaadyada u dhexeeya Cadan iyo dhammaan meelaha kale (marka laga reebo Imaaraadka) ay dib u billaaban doonaan.

Hakadka ku yimid isu-socodka cirka ayaa ka dhashay khilaaf la xiriira xannibaado lagu soo rogay duullimaadyada tagaya Imaaraadka, inkastoo ay jiraan warar is-khilaafsan oo ku saabsan waxa dhabta ah ee dhacay iyo cidda mas’uulka ka ah.

Cawad Al-Subayxi, oo ka mid ahaa rakaabka, ayaa sheegay inuu garoonka ku sugayay duullimaad u socday Qaahira si uu u helo daryeel caafimaad.

“Waan dhibtoonaynaa, bukaan badan oo kale iyo dad waayeel ah ayaa halkan ku sugan oo xaalad adag ku jira,” ayuu yiri.

Xudunta khilaafka 

Imaaraadka ayaa taageera Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta (STC), kaas oo bishii hore xoog kula wareegay dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta Yemen, oo ay ka qabsadeen dowladda caalamku aqoonsan yahay.

Sacuudiga, oo taageera dowladda Yemen, ayaa tallaabadaas u arkay khatar weyn, taas oo dhalisay xiisaddii ugu cuslayd ee dhex marta iyaga iyo dariskooda Khaliijka ee Imaaraadka muddo tobanaan sano ah.

Wasaaradda Gaadiidka, oo ay gacanta ku hayso kooxda STC ee Imaaraadku taageero, ayaa bayaan ay soo saartay ku eedeysay Sacuudiga inuu soo rogay go’doomin dhanka cirka ah. Waxay sheegeen in Riyadh ay soo rogtay tallaabooyin dhigaya in dhammaan duullimaadyadu soo maraan Sacuudiga si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay markii ay ka hortimid arrintan, in Sacuudigu cadeeyay in xannibaaddu ay saaran tahay kaliya duullimaadyada u dhexeeya Cadan iyo Imaaraadka.

Dhanka kale, ilo wareedyo Sacuudi ah ayaa beeniyay inay wax lug ah ku leeyihiin xannibaadda, iyagoo sheegay in dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen ay iyadu soo rogtay shuruudda duullimaadyada u dhexeeya Cadan iyo Imaaraadka si loo xakameeyo xiisadda sii kordheysa.

Isha warka laga helay ee Sacuudiga ayaa intaas ku dartay in Wasaaradda ay maamulaan kooxaha koonfureed ay kaga jawaabtay amarkaas inay gebi ahaanba joojiso duullimaadyada halkii ay u hoggaansami lahayd amarka duullimaadyada Imaaraadka.

Si kastaba ha ahaatee, ilo rasmi ah oo ka tirsan xafiiska Wasiirka Gaadiidka ayaa beeniyay eedeyntaas, iyagoo sheegay in wasiirku uusan soo saarin wax go’aan ah oo lagu xirayo garoonka.

Xiisadda oo sii fidaysa 

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay inaysan isla markiiba xiriir la sameyn karin madaxda dowladda caalamku aqoonsan yahay ee ku sugan Sacuudiga tan iyo markii STC ay qabsadeen koonfurta. Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadkana kama aysan jawaabin codsi faallo ah oo ku saabsan xiritaanka garoonka.

Loolankan ayaa ah kii ugu dambeeyay ee xiisad qoto dheer oo banaanka soo dhigtay kala-jabka u dhexeeya labada quwadood ee Khaliijka.

Sacuudiga ayaa toddobaadkan ku eedeeyay Imaaraadka inay STC ku cadaadinayaan inay u soo durkaan dhanka xuduudda boqortooyada, waxayna ku dhawaaqeen in amniga qaran uu yahay “khad cas,” taas oo ku kalliftay Imaaraadka inay sheegaan inay ciidamadooda kala baxayaan Yemen.

Arrintan ayaa timid kadib duqeyn ay ciidamada isbaheysiga Sacuudigu ka gaysteen dekedda Mukalla, taas oo isbaheysigu sheegay inay ahayd goob loo adeegsanayay in taageero ciidan oo shisheeye lagu gaarsiiyo gooni-u-goosatada.

- Advertisement -

Read more

Local News