Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo diyaaradeed oo mar kale xalay laga fuliyay qaybo kamid ah degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshyaad ka tirsan Al-Shabaab.
Duqeynta ayaa lasoo wariyay in lala beegsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaada Al-Shabaab oo ku yaalla degmadaas iyo deegaannada hoos yimaada, waxaana jira khasaare loo gaystay argagixisada.
Ilo dadka deegaanka aaa innoo sheegay inay maqlayeen jugta duqeymaha oo ahaa kuwa culus, waxayna sheegeen inay xigtay holac iyo uuro is qabsaday hawada sare, kadib markii ay gantaallada ku dheceen xarumo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in goobaha la duqeeyay ay ku sugnaayeen horjoogayaal ka tirsan kooxda oo abaabul culus ka waday halkaasi
Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee duqeymahan ka dhashay, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah oo ku aadan howlgalkaasi.
Xaaladda ayaa kacsan, waxaana lasoo warinayaa in Al-Shabaab ay haatan dareemayaan culeyskii ugu xooganaa, waxaana sababay dagaallada ku qabsaday gobolka Hiiraan oo lagu jabiyay Khawaarijta.
Sidoo kale ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa kusii siqaya aagga demada Aadan Yabaal, iyaga oo ujeedkooda uu yahay inay ka xoreeyaan Al-Shabaab.
Kooxda Al-Shabaab oo la isugu daray weerarro toos ah, iska caabinta weerarro ay soo qaadeen iyo weerarro jid gal ah ayaa lagu laayey xubno badan oo ka tirsanaa kooxda.
Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa weli ka soconayo dhaq-dhaqaaqyo culus, waxaana dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay sii wadi doonto howlgallada ka socda gobolkaasi.