Qasa (Caasimada Online) – Ugu yaraan 33 qof oo ay ku jiraan carruur ayaa lagu dilay weerarro joogta ah oo ay Israa’iil ka wado marinka Qasa tan iyo xalay, halka in ka badan boqol ah ay ku dhaawacmeen, sida ay werisay Al Jazeera.
Weerarada ayaa ku dhacay guryo, iskuulo iyo xaafado ku yaal magaalada Gaza, Beit Lahia, al-Bureij, Nuseirat iyo Khan Younis.
Israa’iil ayaa sheegtay in duqeymahan ay jawaab u yihiin waxa ay ku tilmaamtay xadgudubka heshiiskii xabbad joojinta ee uu Mareykanku garwadeen ka ahaa.
Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz ayaa Xamaas ku eedeeyay in ay Talaadadii weerar ku qaadeen askarta Israa’iil ee ku sugan Qasa, ayna jabiyeen shuruudaha soo celinta maydadka la haystayaasha dhintay.
Kooxda hubaysan ee falastiiniyiinta ayaa sheegtay, in aysan wax xiriir ah la lahayn weerarka, waxayna ku adkaysteen in ay ka go’an tahay heshiiska xabad joojinta.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Arbacada maanta sheegay in “waxba” aysan khatar gelin doonin xabbad joojinta Qasa, xitaa iyadoo Israa’iil ay sii waddo duqeymaha ay ka geysatay Qasa oo ay ku dhinteen ku dhawaad 60 qof
“Waxay dileen askari Israa’iili ah, sidaas darteed Israa’iiliyiintu way ka jawaabeen, waa inay ka jawaabaan,” ayuu Trump u sheegay saxafiyiinta xili uu la socday diyaaradda Air Force One intii uu ku guda jiray safarkiisa Asia, eedeymahaas oo Xamaas ay beenisay.
Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, J.D. Vance, ayaa sidoo kale mar sii horeysay xaqiijiyay in xabad joojinta Gaza ay sii socoto inkastoo Israel ay duqeymo ka geysatay magaalada Gaza, iyadoo Israa’iil iyo Xamaas ay is dhaafsadeen eedeymo ku saabsan in la jabiyayheshiiska.
“Xabbad joojintu waa ay socotaa. Taas macnaheedu maaha inaysan dhici doonin isku dhacyo yar yar oo xagan iyo xagaas ah,” Vance ayaa sidaa u sheegay wariyaasha.
Waxaa uu intaa ku daray, “Waan ognahay in Xamaas ama koox kale oo ku sugan Qaza ay weerar ku qaadeen askari Israa’iil ah, waxaan filaynaa in ay jawaab ka bixiso Israa’iil, laakiin waxaan aaminsanahay in heshiiska nabadeed ee uu madaxweynuhu sameeyay uu noqon doono mid sii jiri doonta.

