Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee furitaanka shirka xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta la filayo in ra’iisul wasaare Sharma’arke uu ku horgeynayo qorshaha xukuumadiisa cusub.
Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa intooda badan waxay ku sugan yihiin dhismaha baarlamaanka Soomaaliya, sida ay sheegeen wararka aan helayno waxaana la sugayaa gudoomiyaha baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha dalka.
Warar hordhac ah oo aan helayno ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu doonayo in maalmo kale uu ka codsado baarlamaanka Soomaaliya si uu usoo dhameystiro golahiisa wasiirada cusub.
Xildhibaanada ugu badan ee mucaaradka ku ah xukuumada cusub ayaa ku sugan dhismaha xarunta baarlamaanka Soomaaliya, waxaana la filayaa in goordhow uu halkaasi ka furmo shirka xildhibaanada baarlamaanka.
Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka oo aan la hadalnay ayaa sheegaya in xaalada aysan wanaagsaneyn, lagana baqayo in markale codka kalsoonida uu weyso xukuumada ra’iisul wasaare Sharma’arke.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

