28.3 C
Mogadishu
Sunday, December 28, 2025

Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada Jubbaland iyo wafti go’aanka beesha caalamka qaadan doona

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Guyow iyo xubno kale oo katirsan Xafiiska IGAD ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Wafdigan ayaa Saddexda Maalmood ee soo socda ku sugnaan doona magaalada Kismaayo, iyagoo si dhab ah ugu kuur gali doona Xaalada Doorashada Jubbaland ee dhamaadka bishan ka dhaceysa magaalada Kismaayo.

Wafdiga IGAD mudada ay Kismaayo joogaan waxay kulamo la qaadan doonaan Gudiga Doorashada Jubbaland, Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xildhibaanada Baarlamaanka iyo sidoo kale ururada aan dowliga aheyn ee ku bohoobey magaca JUNSA.

Gaba gabada waxaa wafdigan la kulmi doonan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyadoo aan la ogayn waxyaabaha kulankaas kasoo bixi doona.

Beesha caalamka ayaa dhamaan u dheg taageysa natiijada safarka wakiilka IGAD ee Kismaayo kaas oo noqon doona go’aanka ay beesha caalamku ka qaadan doonto habsami u socodka doorashada Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected] 

- Advertisement -

Read more

Local News