Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Axaddii dib ugu soo laabtay Muqdisho, kadib safar uu ku tegay Mareykanka ayaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa inuu furo kalfdhigga 7-aad ee Baarlamaanka dalka.
Xildhibaannada labada gole ayaa lagu wargeliyay kulankan muhiimka ah, iyada oo laga codsaday inay si buuxda usoo xaadiraan, maadaama uu furayo madaxweynaha.
Xasan Sheekh ayaa khudbad dheer ka jeedin doono kulanka, taas oo uu uga hadli doono xaaladda dalka, ammaanka, dagaalka Al-Shabaab iyo guud ahaan waxqabadka dowladda.
Sidoo kale, waxaa madaxweynaha uu soo hadal qaadi doonaa arrimaha muranka siyaasadeed uu ka taagan yahay, sida wax ka beddelka dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka oo ay weli isku hayaan Villa Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale Baarlamaanka kala hadli doono dardargelinta shaqadooda, maadaama la galayo xilli xasaasi ah, loona baahan yahay in la meel mariyo shuruucda loo gudbiyay, gaar ahaan kuwa quseeya doorashooyinka dalka oo si weyn la’isugu haayo.
Dhawaan guddoonka sare ee labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa go’aamiyay in kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka la furo dhammaan bishaan September, si loo guda galo howlaha shaqo ee horyaallo Baarlamaanka dalka.
Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa galay fasax dheer, waxaana markii uu dhammaaday fasaxooda hakad sii galay shaqada, sababo ku aadan culeyska siyaasadeed ee dalka.
Kalfadhigan 7-aad ee maanta furmi doono ayaa isha lagu wada hayaa, waxaana jira guux wayn oo ku aadan mooshin la sheegay in xildhibaannada ay ka wadaan Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, kaas oo laga abaabulay magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana si weyn isku haya kooxda Villa Soomaaliya, xubnaha mucaaradka iyo qaar kamid ah madax-goboleedyada dalka.

