26.1 C
Mogadishu
Wednesday, June 11, 2025

Wararkii ugu dambeeyay ee howl-gallada culus ee ka socda gobolka HIIRAAN

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada Milateriga Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa howl-gallo culus ka fuliyay inta u dhaxeysa magaalooyinka Aboorey iyo Yasooman ee gobolka Hiiraan. Howl-galladan ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo la sheegay inay ku dhuumaaleysanayaan deegaannadaasi.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in ay heleen xog sugan oo tilmaameysa in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku sugan yihiin dhul u dhexeeya Aboorey iyo Yasooman, taasoo keentay in si deg-deg ah loo abaabulo howl-gal qorsheysan oo lagu beegsanayo meelaha lagu tuhunsanaa.

Ciidamada ayaa durbadiiba u dhaqaaqay dhulkaas si ay u xaqiijiyaan amniga, una fuliyaan baaritaanno miinooyin ah, maadaama uu jiro cabsi laga qabo in Al-Shabaab ay dhigaan waxyaabaha qarxa si ay ugu dhibaateeyaan dadka deegaanka iyo ciidanka.

Howl-galka ayaa gaaray goobihii ay hore u joogeen Al-Shabaab, halkaas oo ciidamada ay ka sameeyeen baaritaannada qaraxyada, si loo xaqiijiyo in aysan jirin wax khatar ah oo ku hareeraysan shacabka iyo ciidamada.

Saraakiishu waxay caddeeyeen in howl-galladan ay yihiin kuwa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ee ku sugan qeybo ka mid ah gobollada dhexe ee dalka, gaar ahaan Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo ay dhowaanahan ka socdeen dhaq-dhaqaaqyo milatari.

Sidoo kale waxay saraakiishu xaqiijisay in aysan joojin doonin howl-gallada, isla markaana ay sii wadi doonaan gulufka lagula dagaallamayo Al-Shabaab ilaa laga suuliyo guud ahaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan.

Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa sii laba kacleynaya maalmihii dambe, iyada oo dowladda Soomaaliya ay haatan qorsheyneyso inay qaado gulufkii ugu cuslaa oo kooxda looga xoreynayo deegaannadii u dambeeyay ee ay qabsatay.

- Advertisement -

Read more

Local News