Washington (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku sugan Washington ee dalka Mareykanka, ayaa halkaasi ka wada kulamo kala duwan.
Guddoomiye Aadan Madoobe oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa kulan la qaatay jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka
Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa waxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa lawadaageen xaaladda guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka, iyagoona warbixin ka siiyay nolosha dalka ay ku sugan yihiin.
Guddoomiyaha oo gunnaanadka kulanka ka hadlay ayaa boggaadiyay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magalada Washington, waxaana uu u sheegay in dalka uu ka socdo dagaal lagu cirib tiraayo kooxda Al Shabaab.
Sidoo kale waxa uu jaaliyada reer Washington ku dhiira-geliyay inay kaalin mug leh ay ka qaataan horumarinta dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, oo si dardar leh uga socda dalka.
Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa intii ku sugnaa magaalada Washington wuxuu kula kulmay Guddiga Arrimaha Dibadda Aqalka Golaha Wakiilada dalka Mareykanka.
Kulankaas ayaa looga hadlay sidii ay xiriir iyo wada-shaqeyn u yeelan lahaayeen Baarlamaanada Soomaaliya iyo Mareykanka, islamarkaana ay labada baarlamaan iska kaashadaan dhinacyada horumarka.
Guddiga Arrimaha dibadda Golaha Wakiilada dalka Mareykanka ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ku boggaadiyay dadaallada horumarineed iyo shaqooyinka hortabinta u leh hannaanka geedi socodka dowladnimadda dalka ee ay wadaan.
Guddiga ayaa ballan-qaaday in Baarlamaanka Soomaaliya uu Mareykanka la sameyn doono bog cusub oo iskaashi ah.
Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaallada uu guddoomiyaha ugu jiro soo celinta iyo hagaajinta xiriirka wada-shaqeyn uu Baarlamaanka Soomaaliya la leeyahay Baarlamaanada Adduunka.