28.7 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Wararkii ugu dambeeyay ee qarax Muqdisho ka dhacay iyo khasaaraha + Sawirro

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Ugu yaraan 10 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxii maanta ka dhacay Maqaayadda Itian oo ku dhegan Moolka Muqdisho ee degmada Xamarweyne.

Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad badan 10 qof Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Goobta la qarxiyay ayaa aheyd meel Mashquul badan, waxaana Qaraxa uu ahaa gaari la dhigay goobta la dhigto baabuurta ee Muqdisho Mall.

Isbitaallada Muqdisho ayaa la gaarsiiyay dhaawacyo badan, waxaana wali socda gurmadka loo sameynaayo dadka ay waxyeelado soo gaartay.

Wali dowladda Soomaaliya kama hadlin Qaraxaan maanta ka dhacay degmada Xamarweyne.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News