Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo aagga deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay shalay soo weerareen Al-Shabaab, balse lagu jabiyay isla iyagii.
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa lagu soo warramayaa in maanta howlgallo culus iyo dhaq-dhaqaaqyo ay ka wadaan halkaasi, iyaga oo isku fidiyay bannaanka deegaanka Wargaadhi, si ay u baacsadaan Al-Shabaab.
Sidoo kale, waxaa xalay lasoo wariyay in duqeyn ay ka dhacday halkaasi, taas oo lagu beegsaday firxadka Al-Shabaab, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay.
Jabka Khawaarijta lagu gaarsiiyay Wargaadhi ayaa yimid, kadib markii dagaalkii shalay lagu dilay horjoogihii horkacayay maleeshiyaadka weerarka soo qaaday deegaankaas, taas oo dhabar-jab weyn ku noqotay kooxda, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.
Maleeshiyaadkii la socday horjoogaha la khaarijiyay ayay sidoo kale dowladdu sheegtay in la gaarsiiyay khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo firxad, iyadoo ciidamadu ay weli ku howlan yihiin baacsiga xubnaha baxsaday.
Si kastaba, ha’aahtee Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe isku aruursanaysay gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay dhowr jeer kula dagaallameen Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka.

