29.9 C
Mogadishu
Tuesday, November 11, 2025

Wararkii ugu dambeeyay halista ka soo korortay xeebaha Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Howl-galka Midowga Yurub ee la dagaallanka burcad-badeedda ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo dhaq-dhaqaaqyada kooxaha Soomaalida, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay isku dayay inay afduubtaan maraakiib marayay xeebaha Soomaaliya iyo biyaha u dhow.

War kasoo baxay howl-galka ayaa lagu sheegay in maraakiibta Midowga Yurub ee ku sugan biyaha Soomaaliya iyo Badweynta Hindiya ay si joogto ah ula socdaan dhaq-dhaqaaqa maraakiibta iyo doomaha ganacsiga ee halista ugu jira in ay bartilmaameed u noqdaan burcad-badeedda.

Saraakiisha howl-galka Atalanta ee Midowga Yurub ayaa hoosta ka xarriiqay in kooxaha burcad-badeedda aysan hadda lahayn awooddii ay hore ugu fulin jireen weerarro joogto ah oo ay ku afduuban jireen maraakiibta ganacsiga.

Waxay dhacdooyinkii dhowaa ku tilmaameen kuwo kooban oo mararka qaarkood dhici kara, balse aysan ahayn calaamad muujineysa soo laabashada khatartii burcad-badeedda.

Hay’adaha la socodka badaha ayaa sidoo kale xaqiijiyay in aanay jirin cabsi weyn oo laga qabo weerarro cusub, inkasta oo kooxaha burcad-badeedda ay dhowaan isku dayeen labo weerar oo labaduba ku dhammaaday guul-darro.

Maalmo ka hor, koox Soomaali ah oo qabsatay markabka Hellas Aphrodite ayaa isaga degay markabka kadib markii ay ku guul-darreysteen inay furaan albaabada ay isku xireen 24 shaqaale ah oo markabka la socday, kuwaas oo isku soo xiray qolal amni ah.

Mid ka mid ah kooxda ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay rasaas ay isku dayayeen inay ku furaan albaabada qolalka ay isku xireen shaqaalaha, taas oo dib ugu soo laabatay dhankooda.

Howl-galka Atalanta ee ka hortagga weerarrada burcad-badeedda ayaa sidoo kale xaqiijiyay in kooxda markabka qabsatay ay isaga degeen si iskood ah, ayna badqabaan dhammaan shaqaalaha markabka Hellas Aphrodite.

Markabka ay kooxdu isaga degtay, oo ku safrayay calanka jasiiradda Malta ayaa siday shidaal uu ka soo qaaday Hindiya, wuxuuna u waday dalka Koonfur Afrika.

Weerarka ayaa dhacay xilli uu markabku marayay meel qiyaastii 1,000KM u jirta xeebaha Soomaaliya. Goobtan ayaa hore loogu diiwaangelin weerarro noocan oo kale ah, maadaama ay aad uga fog tahay biyaha Soomaaliya oo la tixgeliyo inay khatar yihiin.

Dhacdadii ugu dambeysay ee la barbar dhigi karo ee markab la koray oo gobolka ka dhacday waxay ahayd bishii May 2024, markaasoo burcad-badeed la tuhunsan yahay ay koreen markabka Basilisk ee sita calanka Liberia, oo joogay meel qiyaastii 380 mayl-badeed bari ka xigta Muqdisho.

Ciidanka badda ee Midowga Yurub ayaa markii dambe soo badbaadiyay 17-kii xubnood ee shaqaalaha ka dib markii ay xarig ugu degeen markabkaas.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, dhacdadii ugu horreysay ee lala xiriiriyo burcad-badeed Soomaali ah oo nooceeda ah tan iyo 2024, ayaa dabley hubeysan waxay weerareen booyad ganacsi oo ku sugnayd meel ka baxsan xeebta u dhow caasimadda Muqdisho, iyagoo rasaas ku furay markabka kaddib markii ay isku dayeen inay koraan, sida ay sheegeen ilo dhinaca badda ah.

Ilo ku xeel dheer amniga badda ayaa sheegay in burcad-badeeddu ay toddobaadkaas sidoo kale la wareegeen doon kalluumeysi oo Iiraan ay leedahay si ay ugu isticmaalaan ‘hooyo-markab’ (mothership) ay ka soo qaadaan weerarrada.

Afduubkii ugu dambeeyay wuxuu dhacay bishii Diseembar 2023, markaasoo markabka Ruen ee sitay calanka Malta ay dabley qabsadeen kuna kaxaysteen xeebaha Soomaaliya, ka hor inta aysan ciidamada badda ee Hindiya xoreyn shaqaalihii isla markaana aysan xirin kooxdii weerarka geysatay.

Kooxaha burcad-badeedda Soomaalida ayaa ahaa kuwo aan si weyn u firfircoonayn sannadihii la soo dhaafay, kaddib markii ay hore khatar weyn ugu hayeen agagaarka Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen ee gacan saarka la leh Iiraan ayaa khatar ka weyn ku hayay maraakiibta maraya Badda Cas, oo ku shubanta Gacanka Cadmeed, tan iyo markii ay kooxdu bilowday weerarrada ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga bishii Nofeembar 2023, iyagoo taageero u muujinayay Falastiiniyiinta ku aaddan dagaalka Israel ee Gaza.

Inkasta oo Xuutiyiintu ay oggolaadeen heshiis ay ku joojinayaan beegsiga maraakiibta xiriirka la leh Mareykanka, haddana shirkado badan oo maraakiibta ah ayaa weli ka walaacsan inay dib u bilaabaan safarradii ay ku mari jireen biyahaas.

- Advertisement -

Read more

Local News