Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo laga maqlay qaar kamid ah xaafadaha Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka BAAR Al Nasri oo ku yaala xaafada Laba dhagax ee magaalada Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa iyo noociisa, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu ahaa miino lagu aasay goobta oo lala damacsanaa gaadiidka ciidamada oo goobta marayay.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in goobta uu ku qarxay Gaari noociisu ahaa FEILDER kaasi oo yaalay xarun caafimaad oo ku dhow maqaayadda Al Nasri.

Dad badan oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in qaraxa kadib ciidamada amaanka ay goobta baaritaano ka bilaabeen.

Digniino dhanka amaanka ah ayaa jiray saacadihii u dambeeyay, iyadoo aad loo hadal hayo gaadiid qaraxyo ah oo la sheegay inay Muqdisho soo galeen.

Tan iyo markii la weeraray xarunta wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha amaanka Muqdisho ayaa sii xumaanayay, iyadoo qaraxyo kale ay ka dhaceen Muqdisho.

Saraakiisha gaartay goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa sheegay inay faahfaahin ka bixin doonaan khasaaraha qaraxa, balse dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ugu yaraan labo ruux ay ku geeriyoodeen qaraxa.

Lama Hayo faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan khasaaraha qaraxa uu geystay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com