Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo khasaaro badan geystay.
Lama xaqiijin ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxa oo ka dhacay agagaarka dhismaha Guriga Hooyooyinka, waxaase la arkayay uuro cirka isku shareertay iyo rasaas badan oo dhaceysay.
Qaraxa ayaa rasmi ahaan kaga dhacay goob shaax laga cabo oo ku taalo agagaarka Hooyooyinka.
Burbur xoogan ayuu geystay qaraxa oo aad u xooganaa, waxaana socda dadaalo loogu gurmayo dadka waxyeelada ay soo gaartay.
La soco faahfaahin dheeri ah.