Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Boosaaso (Aqri)

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, Kaasi oo sababay waxyeelo kala duwan, sida masuuliyiin ka tirsan Puntland ay sheegeen.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino wadada dhinaceeda lagu aasay, waxaana uu haleelay gaari ay la socdeen ciidamo Boolis ah oo marayay agagaarka xaafada Al Raxma ee magaalada Boosaaso.

Qaraxaasi Miinada dhulka lagu aasay ayaa waxaa ku dhaawacmey seddex kamid ah ciidamada maamulka Puntland, kuwaasi oo la dhigay xarumaha caafimaadka ee ku yaala magaalada Boosaaso.

Warar kale oo aan wali xaqiijin waxa ay sheegayaan iney sidoo kale jiraan khasaare soo gaaray dad shacab ah oo ka agdhawaa goobta, walow Saraakiisha Maamulka Puntland ay sheegeen ineysan arintaasi xaqiijin karin.

Ciidamada amaanka oo qaraxa kadib sameeyay howlgallo baaritaano ah, ayaa goobta isaga dhaqaaqay iyagoo aan wax dad ah u soo qaban weerarka, maadaama qaraxa kadib oo ay rasaas xooggan xigtay ku kala carareen dadka aaggaas ka agdhawaa.

Waa qaraxii labaad oo todobaadkaan gudahiisa ka dhaca magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaasi oo sababay waxyeelo kala duwan oo soo gaartay ciidamada amaanka ee maamulka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com