Wararkii ugu dambeeyay xiisadda dagaal ee Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Xiisadii dagaal ee maalmihii u dambeeyay ka taagneyd tuulada Saax-maygaag ee dulaadka caasimada Puntland ayaa lagu guuleystay in la dejiyo, kadib markii uu halkaas gaaray wafdi ka socda maamulka.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan deegaanka Saax-maygaag ayaa xabad joojin dhex dhigay labada maleeshiyaad beeleed ee ku dagaalsana deegaankaas.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wafdiga uu hogaaminayo Karaash ayaa qorsheynaya in shir weyne nabadeed lagu dhex-dhexaadiyo beelaha dirirtu ka dhaxeyso, kadib markii ay xabad joojintu si rasmi ah u dhaqan gashay.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa hoggaamin doona Shirka nabadeynta ah oo maanta dhici doona, kaasi oo sida uu qorshuhu yahay ka wada qayb-geli doonaan dhammaan Isimada iyo Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Labadii bishaan ayey aheyd markii labo maleeshiyaad beeleed uu dagaal xoogan ku dhex-maray tuulada Saax-maygaag, waxayna xiisadan ku saleysan tahay deegaameynta deegaankaas oo u dhaxeeya degmada Boocame ee gobolka Sool iyo tuulada Birta dheer ee gobolka Nugaal.

Khasaaraha dagaalkaas ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku dhimatay lix ruux oo ka tirsan dhinacyadii dagaalamayay, ayada oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 15 qof oo kale.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xal laga gaari waayey muranka ka taagan nidaamka deegaameynta, waxaana colaadan ku barakacay qoysas badan, xilli ay abaar iyo xaalad bini’aadanimo ka jirto gobolka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii