Wararkii ugu dambeeyey dadaallo laga dhex waday Villa Somalia iyo XAAF

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ka dib markii Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) uu Khamiistii si buuxdo uga horyimid dhabaha loo marayo dhismaha maamulka cusub ee Galmudug ayaa waxaa socday dadaalo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xaaladda ku soo korodhay Galmudug.

Xilli dhismaha Galmudug uu khilaaf wiiqay ayaa waxaa hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Galmudug loo arkaayay mid xaaladda kaga sii dari kara, waxaana bilowday dadaalo markale la isugu soo dhaweynayo isaga iyo Madaxda Dowladda, hase ahaatee ay guuldareysteen.

Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu saluugay gebi ahaanba qaabka ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya ku wado dhismaha maamulka cusub iyo shaqada Guddiga Farsamada, oo musuq maasuq uu ku eedeynayo.

Madaxweynaha ayaa tallaabadan qaaday markii Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre uu maalintii Arbacada Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax u sheegay in heshiiskii Ahlu Sunna iyo dowladda uu sidiisii ahaan doono, isla-markaana ay lama taabtaan tahay labaatanka xubnood ee Ahlu Sunna laga siiyay Baarlamaanka Galmudug.

Madaxweyne Xaaf oo ku laabtay Magaalada Gaalkacyo ayaa ka bilaabay olole liddi ku ah dadaalada ka soconaya Magaalada Dhuusamareeb ee lagu soo dhisayo maamulkan cusub. Iyadoo uu Xaaf kulamadaasi ka waday Gaalkacyo ayay hadana socdeen dadaalada laga dhex waday isaga iyo dowladda.

Dadaaladan ayaa waxaa labada dhinac ka dhex waday siyaasiyiin iyo odayaal ka soo jeeda Galmudug, kuwaa oo ay ku adkaatay inay markale Xaaf hoos keenaan dowladda, oo billihii ugu dambeeyay uu heshiis is faham ahaa kala dhaxeeyay.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu dhinacyadaasi u sheegay inaanan la aqbali karin waxa ay dowladda wado, oo uu ku sheegay Galmudug aan loo dhammeen. Si loo helo Galmudug loo dhan yahay ayuu sheegay inuu isagu hoggaamin doono, cid kalena aanu waxba ka weydiin doono, haddii uu isagu yahay masuulkii ugu sareeyay Galmudug.

Xaaf ayaa dhinacyadii dhexdhexaadinta ku hawlanaa u sheegay in Dowladda Federaalka ay tahay inay faraha kala baxdo dhismaha maamulka cusub ee dadka reer Galmudug loo dhisaayo.

Villa Somalia ayaa waxay isku dayi doontaa, sidii ay cadaadis u saari laheyd kulamada uu Xaaf ka wado Magaalada Gaalkacyo iyo weliba sidii ay u fashilin laheyd shirka uu 25-ka bishan ku baaqay inuu ka furmi doono magaaladaasi.

Warqad uu soo saaray Kuxigeenka Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka ahna Kusimaha Hanti Dhawraha, Cabdijamaal Ismaaciil Maxamed ayaa si ku meel gaar ahi loogu xanibay xisaabaadkii Maamulka Galmudug. Xisaabaadka Galmudug ayaa waxaa la ogolyahay in laga bixiyo lacagaha ciidamada, shaqaalaha rayidka iyo midka saadka, iyadoo wixii intaasi ka baxsana aan laga saari karin.

Amarkan ayaa wuxuu soo baxay saacado ka dib, markii Madaxweyne Xaaf uu magacaabay guddi doorasho oo ka dhan ah Guddigii Farsamada, ee ay magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Xaaladan ku soo korodhay Galmudug ayaa waxay walaac gelinaysaa dadka reer Galmudug, oo muddooyinkii ugu dambeysay u dheg taagaayay in doorashada Galmudug ay si hufan uga qabsoomto Magaalada Dhuusamareeb.