Wararkii ugu dambeeyey qaraxyo iyo dagaal culus oo ka dhacay degaanka BASRA

Balcad (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in barqanimadii maanta dagaal culus ka socdo, inta u dhexeyso deegaanka Basra iyo degmada Balcad ee gobolkaasi.

Dagaalka oo saacado qaatay ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku billowday qaraxyo ku soo qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin tuulada Muryaale oo hoostagta Basra, waxaana kadib halkaasi ka dhacay dagaal toos ah.

Wararka ayaa sheegaya in khasaare xoogan uu soo kala gaaray labada dhinac, waxaana mid kasta uu guullo ka sheegtay dagaalkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in dagaalkan ay ku dhinteen illaa 10 askari oo uu ku jiro sarkaalkii hoggaaminayey ciidamada Haramcad ee halkaasi joogay, kaas oo lagu magacaabi jiray Xabiib Salaad Xoreyste, isaga oo ku geeriyooday toogasho ay u geysteen xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa dagaalkan ku dhaawacmay sarkaal kale oo ka tirsan hay’adda NISA oo lagu magacaabo Xasan Fanax, kaasoo haatan ku magacaaban taliyaha Nabad Sugida degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in askar kale lagu la’yahay nolol iyo geeri, kuwaas oo ku hoobtay dhinaca wabiga, kadib markii ay la kulmeen weeraro qaraxyo ah.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in dagaalka ay ku dishay ugu yaraan illaa 12 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, balse ma shaacin khasaaraha dhankeeda soo gaaray.

Dhinaca kale warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal ka dhacay duleedka Basra lagu dilay 19 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena uu weli howlgalku socdo.

Basra oo ah deegaan muhiim ah oo dhaca waddada isku xirto Balcad iyo Afgooye ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka socday howlgallo ay ka wadaan ciidamada Haramcad iyo kuwa Nabad Sugidda ee dowladda Soomaaliya.

Jimcihii hore ayey aheyd markii qarax miino oo ka dhacay deegaankaasi lagu dilay taliyihii qaybta Booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole, kaas oo si weyn looga falceliyey geeridiisa.