Wararkii ugu dambeeyey ee dilal ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilal qorsheysan oo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedka, kuwaas oo loo geystay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dilka koowaad ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay xaafadda Baar-Ubax ee magaalada Muqdisho, kaas oo loo geystay askari lagu magacaabi jiray Liibaan Xaabsey oo ahaa askari ka tirsanaa milatariga Soomaaliya, sida ay inoo sheeg ilo dadka deegaanka ah.

Marxuumka ayaa sidoo kale waxa ay walaalo ahaayeen guddoomiyaha maamulka degmada Warta Nabadda Seynab Xaabsey, waxaana xilliga la dilayey uu sii galiyey gurigiisa.

Kooxda dilka fulisay oo ku hubeysneyd bistoolad ayaa goobta isaga baxsatay, waxaana meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale dilka labaad oo isna loo geystay askari ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka ayaa ka dhacay deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan halka loo yaqaano Macaani oo ka tirsan deegaankaasi.

Askariga la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Daahir Jareer, wuxuuna deganaa isla deegaanka Garasbaaley oo maanta lagu khaarijiyey.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ragga dilay marxuumka ay sidoo kale horey uga sii qaateen qoraygii uu watay iyo booshash, kadibna ay goobta isaga dhaqaaqeen.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilalka qorsheysan ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo duleedka.

Dhacdooyinkan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya magaalada Muqdisho, kuwaas oo aad u soo kordhayey maalmihii la soo dhaafay.