Wararkii ugu dambeeyey doorashada guddoonka labada aqal ee baarlamanka

Muqdisho (Caasimaea Online) – Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulamo ku kala leh xarumahooda ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaas oo looga hadlayo dhammeystirka doorashooyinka dalka ee 2022-ka.

Xildhibaanada labada Gole ayaa maanta dhageysanaya hadal jeedinta musharixiinta isku diiwaangeliyey guddoonka sare ee labadaasi Aqal.

Illaa siddeed musharax ayaa isu diiwaangelisay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxa ay kala yihiin:-

1-Cabdirashiid Maxamed Xidig, 2-Cabdullaahi Aadan Axmed Black, 3-Aadan Maxamed Nuur Saransoor, 4-Xasan Cabdinuur, 5-Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, 6-Saadiq Cabdullaahi Cabdi, 7-Shariif Maxamed Cabdalla 8-Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Sidoo kale xilka guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa isku soo taagay illaa saddex musharrax oo kala ah:-

1-Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi 2-Senator Saalax Axmed Jaamac 3-Senator Cismaan Obokor Dubbe.

Dhammaan musharixiinta ayaa la siiyey fursad min 15 daqiiqo oo ay uga hadlayaan taariikh nololeedkooda iyo ballan qaadyadooda ku aadan, haddii la doorto.

Doorashadan ayaa waxaa ku lamaanan mida guddoomiye ku xigeeenada koowaad iyo labaad ee labada Gole oo iyaguna ay isku soo taageen musharixiin dhowr ah.

Qorshaha ayaa ah in doorashada guddoonka baarlamaanka lagu soo gabagabeeyo 27 bishan, sida ku cad jadwalka kasoo baxay guddiyada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Intaasi kadib ayaa waxaa la guda geli doonaa doorashada madaxweynaha oo ah tan ugu dambeysay ee doorashooyinka dalka.