Wararkii ugu dambeeyey ee rabshadaha Koonfur Afrika iyo boobka Soomaalida

Johannesburg (Caasimada Online) – Magaalooyinka waa weyn ee wadanka Koonfur Afrika, sida Johannesburg, Cap Town iyo Pretoria waxaa ka socda rabshado xoogan iyo dibad-baxyo ay dhigayaan taageerayaasha madaxweynihii hore ee dalkaasi, Jacob Zuma.

Rabshadahan ayaa guud ahaan waxa ay saameyn ku yeesheen dalka Koonfur Afrika oo ay ku nool yihiin Soomaali fara badan oo ganacsiyo kala duwan ku leh dalkaasi.

Taageerayaasha Zuma oo ka careysay xukunka xabsiga ah ee lagu ridday ayaa lagu arkayaa waddooyinka waa weyn, iyaga oo dhigayo banaan-baxyo rabshada wata.

Sidoo kale meelaha qaar waxaa lasoo warinaaa inay isku dhaceen Booliiska iyo dadweynaha careysan ee taageersan Madaxweynihii hore ee dalkaas ee la xukumay.

Soomaalida ku dhaqan dalkaasi ayaa waxaa haatan soo wajahday cabsi xoogan, waxaana la soo wariyey in qaarkood loo geystay boob hantiyeed oo xoog-leh.

Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa sheegay in wal-wal xoogan uu haatan soo wajahay, waxaana ay shaaciyeen in sidoo kale la gubay gawaari fara badan ay leeyihiin Soomaali, Itoobiyaan iyo sidoo kale dad kale oo u dhashay wadanka Koonfur Afrika.

Ganacsatada Soomaalida ayaa si guud dhibaatooyinka soo kordhay kala siman ajaaniibta kale, waxaana qaarkood ay iska dhiibeen saldhigyada, si ay u bad-baadiyaan naftooda.

Xaaladda ayaa haatan aad u cakiran, waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan inay sii kordhayaan rabshadaha oo kusii fidaya guud ahaan dalka Koonfur Afrika.