Wararkii ugu dambeeyey ee safarka R/Wasaare Rooble ee Garbahaarey + Sawirro

Garbahaarey (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo, waxaana si diiran u soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Maamulka Gobolka.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaruhu uu ku yimid Garbahaarey ayaa la xiriira arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo horumarinta deegaanka.

Rooble ayaa dhagax dhigay garoonka kubadda cagta ee degmada Garbahaarey, kaa soo qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee Xukuumaddu ka hirgelinayso gobolka Gedo.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho uu ugu kuur-geliyey baahiyaha ciidanka kugu tagey Ciidanka Xoogga  ee ku sugan garbahaaray ayaa ku boggaadiyey difaaca dalka iyo howlgalada ay ku beegsanayaan kooxaha argagixisada.

Safarka Rooble ee Garbahaarey ayaa yimid kadib markii uu soo gabagabeeyey safarkii shaqo ee uu ku joogay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Jubbaland ayaa sheegay in uu kormeerayo dhammaan magaalooyinka ay ku qabsoomeyso doorashada Mudaneyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka FS.

“Safarkaygan waxa uu ku saabsan yahay doorashooyinka iyo habraacooda, Jubbaland waa deegaankii ugu horreeyey ee an ka bilaabayo safarkaygaas, waxaanna mari doonaa dhammaan magaalooyinka kale ee ay ka dhacayso doorashado, sida Baydhabo, Marka, Jowhar iyo Beladweyne, Dhuusamareeb, Gaalkacayo, Garoowe iyo Boosaaso,” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa inta uu ku sugnaa Kismaayo waxa uu kulammo la qaatay odeyaasha dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, isagoo sidoo kale ka qeyb galay kulan Golaha Wasiirrada ah ee heer Dowlad-goboleed ee Jubbaland.