Wararkii ugu dambeeyey ee weerarka masaajidda New Zealand + Sawirro

Wellington (Caasimada Online) – Rag hubeysan ayaa dilay ugu yaraan 49 qof, islamarkaana dhaawacay 20 kale kadib weerar argagixiso oo ayada oo lagu jiro salaaddii jimcaha lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand.

Ninka fuliyey weerarkan oo ka dhacay magaalada Christchurch, ayaa si toos oo muuqaal ah ugu tabiyey Facebook, isaga oo cambaareynaya dadka muhaajiriinta ah, oo uu ugu yeeray “duullaan.”

Dadkii masjidka ku tukunayey ayaa ayaga oo dhintay ama dhaawac ah waxay daadsanaayeen dhulka, sida ka muquatay muuqaalka uu baahiyey ninka weerarka fuliyey.

Booliska ayaa sheegay in 41 qof lagu dilay masjidka Al-Noor, halka toddobada kale ay ku dhinteen masjid ku yaalla xaafadda Linwood, ayada oo qof kalena uu isbitalka ku geeriyooday.

Ra’iisul wasaaraha New Zealand, Jacinda Ardern ayaa sheegtay in dalka la geliyey heegankii amni ee ugu sarreeyey, waxayna ficilkan ku qeexday mid argagixiso.

Waxay sheegtay in la xiray afar qof oo xagjiriin ah, hase yeeshee aysan horey ugu jirin liiska booliska.

New Zealand Mosque Shooting

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com