Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa Talaadadii ka hadlay wararka isa soo taraya ee ku saabsan xaaladdiisa caafimaad, xilli uu wariyeyaasha kula hadlayay qolka Oval Office ee Aqalka Cad, taasoo ahayd markii ugu horreysay ee uu bulshada horteeda ka soo muuqdo muddo toddobaad ah.
Ka hor intii aanu su’aalo ka jawaabin, Trump ayaa ku dhawaaqay in Taliska Hawada Sare ee Mareykanka (U.S. Space Command) laga wareejin doono Colorado, lana gayn doono Alabama. Wariyaha Fox News, Peter Doocy, ayaa weydiiyay madaxweynaha warar xan ah oo internet-ka ku faafay intii lagu jiray fasaxa, kuwaas oo sheegayay inuu geeriyooday.
Trump ayaa sheegay inuusan maqal wararkaas.
“Waan maqlay, waa wax lala yaabo, laakiin toddobaadkii hore waxaan qabtay shir-jaraa’idyo dhowr ah,” ayuu yiri madaxweynuhu. “Markii aan labo maalmood wax shir ah qaban waayay, waxay isla markiiba dhaheen ‘waxaa hubaal ah in wax ka qaldan yihiin’.”
Trump ayaa sheegay inuu “aad u firfircoonaa dhammaadkii asbuuca,” isagoo xusay inuu booqday garoonkiisa Golf-ka ee Virginia, sidoo kalena uu qoraallo badan soo dhigay bartiisa Truth Social, ka hor inta uusan u soo laaban ka jawaabista xanta ku saabsanayd geeridiisa.
“Middaas ma aanan maqlin,” ayuu yiri madaxweynuhu. “Taasi waa arrin aad u culus.”
Fariin kooban oo uu Axaddii soo dhigay bartiisa Truth Social, ayuu Trump ugu muuqday mid beeninaya mala-awaalkii la xiriiray xaaladdiisa caafimaad ee sii xumaanaysa.
“NOLOSHAYDA OO DHAN MA JIRTO MAR AAN KA CAAFIMAAD FIICANAHAY HADDA,” ayaa lagu yiri fariinta uu baahiyay madaxweynaha, kaasoo maalmo aan qaban wax munaasabado rasmi ah oo fagaare ah.
Sabtidii, ayaa sawir laga qaaday Trump oo ay la socoto gabar uu awoowe u yahay, iyagoo ka soo baxayay Aqalka Cad kuna sii jeeday garoonkiisa Golf-ka ee Sterling, Virginia. Dhanka kale, Axaddii ayuu madaxweynuhu soo dhigay sawir isaga iyo tababarihii hore ee horyaalka NFL, Jon Gruden, oo ku wada sugan garoonka Golf-ka, inkastoo aan la ogeyn xilliga rasmiga ah ee sawirka la qaaday.
Bishii Luuliyo, Aqalka Cad ayaa shaaciyay in Madaxweyne Trump laga helay cudurka chronic venous insufficiency (daciifnimada joogtada ah ee xididdada), kaasoo ka dhasha marka ay xididdada lugaha ku adkaato inay dhiigga dib ugu celiyaan wadnaha. Qoraal uu soo saaray dhaqtarka Trump, Sean Barbabella, wuxuu ku sheegay inay tahay xaalad “aan halis ahayn” oo ku badan dadka da’doodu ka weyn tahay 70-ka sano.
Barbabella wuxuu sheegay in madaxweynaha la marsiiyay baaritaan caafimaad oo dhammaystiran.
“Waxa ugu muhiimsan, ma jirin wax caddeyn ah oo muujinaya dhiig-xinjirowga xididdada hoose (deep vein thrombosis) ama cudurrada halbowlayaasha,” ayuu yiri. “Madaxweyne Trump wuxuu weli ku jiraa xaalad caafimaad oo heer sare ah.”
Shaacintan ayaa timid ka dib markii sawirro muujiyeen barar ka muuqda qeybta hoose ee lugaha Trump.
Sidoo kale, sawirro horraantii sanadkan muujiyay nabarro ka muuqday dusha gacanta midig ee Trump ayaa huriyay hadal-hayn ku saabsan caafimaadkiisa. Xilligaas, afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, waxay sheegtay in nabarradaas ay sababeeyay “gacan-qaad joogto ah oo uu madaxweynuhu sameeyo maalin walba.”
Qoraalkiisa, Barbabella wuxuu ku sheegay in nabarradu ay “la jaanqaadayeen cuncun fudud oo unugyada jilicsan ee maqaarka kasoo gaaray gacan-qaadka joogtada ah,” isla markaana ay yihiin saameyn caan ah oo ka dhalata isticmaalka daawada Asbiriinka, oo uu u qaato ka-hortag ahaan cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga.
Nabarradaas ayaa mar kale kasoo muuqday sawirro la qaaday 25-kii Agoosto, taasoo sii hurisay wararkii xanta ahaa ee dhowaanahan ku baahsanaa baraha internet-ka.
Sawirro Talaadadii lagaga qaaday gacanta midig ee Trump gudaha Xafiiska Oval Office, laguma arag wax nabarro ah oo muuqday.
Â