Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda magaalada Kabul iyo Taalibaan oo gashay

Kabul (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Afganistan ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah haatan laga dareemayo gudaha magaalada Kabul ee caasimada dalkaasi, sidoo kalena laga maqlayo rasaas xoogan, sida ay warineyso warbaahinta.

Xoogaga Taalibaan ayaa wararka qaar waxa ay ku warramayaan inay afar jiho ka galeen caasimada, ayna sidoo kale isku fidiyeen agagaarka magaalada oo dhan.

Cabsi aad u xoogan ayaa haatan ka taagan Kabul, waxaana sidoo kale la xiray dhammaan xafiisyadii dowladda iyo xarumihii ganacsiga, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Sidoo kale ABC News ayaa ku warrantay in maanta la kiciyey diyaaradaha Mareykanka, si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa guud iyo dagaalka u soo gudbay gudaha magaalada Kabul.

Dhinaca kale diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa dhankooda billaabay inay daad gureeyaan diblumaasiyiinta, iyaga oo ku dagaya dhismaha safaaradda Mareykanka.

Kooxda Taalibaan ayaa todobaadyadii u dambeeyey qabsatay deegaano muhiim ah iyo magaalooyin dhowr ah, kadib markii ay isaga soo baxeen ciidamada dowladda.

Dhaq-dhaqaaqyadan cusub ee ka billowday Kabul ayaa ku soo aadayo, xilli madaxweyne Ashraf Ghani oo wajahaya culeys xoogan uu shaaca ka qaaday in aan loo dul-qaadan doonin is- ballaarinta ee ay dagaalyahanada Taaliban ka wadaan wadanka Afganistan.