Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday kulamo gaar gaar ah oo xal loogu raadinaayo Khilaafka ka dhex aloosan Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo Xildhibaanada baarlamaanka.
Kulamadan oo saacadihii ugu danbeeyay ka dhacay Hoteel Jazeera ayaa waxa uu u dhexeeya Wasiir Xoosh iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.
Waxaa kulanka qeyb ka ah Madaxda ugu sareysa dalka oo iyagu kusoo baxay khilaafka labada dhan ee cirka isku shareeray, iyadoo xal raadinta loo adeegsanaayo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo muxaafid ah.
Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa la sheegay in xalinta khilaafka uu kor ka maamulaayo, isla markaana uu ku sameeyay faragalin toosa.
Farmaajo ayaa ka shaqeynaaya sida looga gudbi lahaa Khilaafka labada dhinac ee meel fog gaarsiisan, waxa uuna sidoo kale kulamo joogta ah la qaadanaya qaar kamid ah Xildhibaanada muxaafidka ah ee ku howlan xalinta.
Madaxweyne Farmaajo iyo mas’uuliyiinta kale ayaa ku qasbanaaday inay xal u raadiyaan khilaafka ka hor inta aan Xildhibaanadu Wasiirka ka yeelan fadhi kale.
Sidoo kale, Dastuurka Somalia qodobka 60’aad farqadiisa C, ayaa Xildhibaanada awood u siinaaya inay u yeeri karaan Ra’isul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada iyo dhamaan Guddiyada Xukuumadda si ay ula xisaabtamaan.
Geesta kale, waxaan la saadaalinkarin sida xal looga gaari lahaa Khilaafka labada dhinac ee uu iminka soo faragaliyay Farmaajo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

