Wararkii ugu dambeeyey ololaha doorashada iyo halka la kala marayo (Xog cusub)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta galay maalintii ugu dambeysya kahor doorashada oo dhaceysa berri oo Axad ah.

Waxaa xoogeystay dadaalka ay wadaan musharaxiinta ee ay ku raadinayaan codadka xildhibaanada, ayada oo xildhibanaaduna ay isku marayaan musharaxiinta ugu xooggan, oo marba ay taagan yihiin xarunta ololaha ee musharax gaar ah. 

Arrintan yaabka leh ayaa ah in illaa hadda uusan jirin musharax bixiyey lacag, sidii horey caadada u aheyd, balse waxay u badan tahay in haddiiba la bixinayo inay noqoto caawa. 

Sida ay illaa hadda wax u socdaan, waxaa loolanka ku horreeya madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo saacadihii ugu dambeeyey ay u jabeen xildhibaano kasoo kala jeeda Somaliland iyo Koonfur Galbeed, halka uu horey u haystay inta badan xildhibaanada HirShabelle iyo Galmudug. 

Ka sokow Xasan Sheekh, musharaxiinta kale ee la filayo inay wareegga koowaad kasoo gudbaan ayaa ah Farmaajo, Shariif Sheekh Axmed iyo Saciid Deni. Waxaa sii dhimaneysa rajada Xasan Cali Kheyre, oo xildhibaano badan ay u arkaan inaan hoggaanka dalka lagu aamini karin marka la eego diiwaankiisa ra’iisul wasaarenimo.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa inay u badan tahay inay wareegga ugu dambeeyey doorashada isku wajahaan Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ama Xasan Sheekh iyo Farmaajo, haddii aanay wax isbeddelin saacadaha ugu dambeeyey. 

Inkasta oo Saciid Deni la rumeysan yahay inuu kasoo gudbi doono wareegga koowaad, haddana xogta aan helnay ayaa sheegeysa inuusan rajo ka qabin xilka madaxweynaha, islamarkaana ujeedkiisa ugu weyn uu yahay inuu codadkiisa wareegga koowaad ku gorgortamo, isaga oo raadinaya xilka madaxweynaha. 

Deni ayaa la rumeysan yahay inuu taageeri doono madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay aad isugu dhow yihiin.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa dad badan ay rumeysan yihiin inuu guuleysan karo hadduu kasoo gudbo wareegga koowaad, islamarkaana noqdo mid ka mid ah saddexda musharax ee ugu codadka badan. Si kastaba, Shariif ayaa laga cabsi qabaa inuu galo kaalinta afaraad, taasi oo ku qasbi karta inuu haro.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu wareegga koowaad galo kaalinta koowaad ama labaad, waxaana la saadaalinayaa inuu ka adkaano karo musharaxiinta kale ee dhan, marka laga reebo Shariif oo la sheegay in haddii ay isku haraan uu halis wajihi karo.  

Xaaladda ayaa ah mid saacadba saacadda ka dambeysay sii yeelaneysa xamaasad, waxaana mar kasta abuurmaya isbaheysiyo cusub, taasi oo xaaladda si deg deg ah u beddeli karta. 

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online, Insha Allah.