Wararkii ugu dambeeyey xaaladda caafimaad ee madaxweyne XASAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan laga helay xanuunka Covid-19 ayaa xalay ka baaqsaday ka qayb-galka munaasabadda xuska 26 June oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Madoobe oo wakiil ka ahaa madaxweynaha ayaase ka qayb-galay munaasabadda, isaga oo ku hadlayeyna magaciisa, kan Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu hambalyo u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

“Aniga oo magaceyga, magaca madaxweynaha JFS, magaca baarlamaanka Soomaaliyeed  ku hadlaayo waxaan u hambalyeynayaa marka hore dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku nool yihiin,” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kalke wuxuu faah faahin ka bixiyey sababaha uu madaxweynaha uga baaqday munaasabadda 26 June, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu xeeriyey in bulshada uu mas’uulka u yahay u turo, maadaama uu si fudud lagu kala qaado xanuunka Covid-19.

“Waxaa kale oo aan rabaa inaan u duceeyo madaxweynaheenna, hadda culeys ma qabo, maadaama daruuf daraadeeda isaga dareemay uu imaan waayey aniga ayuu ii wakiishay, waxaana Ilaahey uga baryayaa inuu caafiyo sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu sii raaciyey

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee madaxweynaha ay wanaagsan tahay, wuxuuna ugu duceeyey in Ilaahey ka dul-qaado xanuunka, sidoo kale shacabka ayuu baaqay inay is dajiyaan.

“Caafimaadkiisa hadda aad ayuu u fiican yahay, waxaa laga yaabaa marka uu hadda munaasabadda ka maqnaado dadka inay u arkaan madaxweynaha waaba soo kici waayey tacbaan waayey ma’aha laakiin isaga oo isleh bulshada Soomaaliyeed ee aad mas’uulka u tahay, maadaama cudurkaan saanqaadkiisa uu fudud yahay inuu isaga maqnaado ayuu go’aansaday,” ayuu markale yiri Aadan Madoobe oo ka hadlayey xaaladda madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmo ka hor booqasho ku tegay Imaaraadka ayaa kadib markii uu kusoo laabtay dalka la xaqiijiyey in laga helay xanuunka Covid-19, waxayan Villa Soomaaliya shaacisay in uu sii wadan doono howlaha shaqo ee qaranka.