Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda SOMALILAND

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa waxaa weli ka taagan xiisad siyaasadeed oo u dhexeyso xisbiyada mucaaradka Wadani, UCID iyo xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Biixi oo isku hayo arrimaha doorashada ee maamulkaasi.

Labada dhinac ayaa hawada isku marinayo erayo kul-kulul oo uga sii daraya xiisadda ka taagan Somaliland, iyada oo aan weli lagu guuleysan in wada-hadal lagu dhammeeyo.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ka hadlayey munaasabad ka dhacday Hargeysa ayaa weerarka afka ah ku qaaday mucaaradka, gaar ahaan musharaxa Wadani, isagoo ku eedeeyey inuu fowdo iyo kicin ka wado Somaliland.

“Cabdiraxmaan waxa aan oronayaa haddii aan is qabanay oo fikir iyo aragti ku kala qaybsanay ma ahayn in ay dhalinyaro kiciyaan oo qaylo & huuhaa in ay sameeyaan, Cabdiraxmaanow, Adiga, Faysal, Xirsi & labadiina Xisbi kama hadleyno sida aad Xafladda qaylada ugu dhammeyseen, Nabadda, Siyaasadda & degenaashiyaha diyaar uma tihiin, mas’uuliyiin arrin qaran doonaya in aydaan ahayn” ayuu yiri wasiir Maxamed Kaahin.

Dhinaca kale Musharax Cabdiraxmaan Cirro oo isna hadal siiyey waraabhinta ayaa u jawaabay xukuumadda, wuxuuna sheegay in xilligan aysan wada-hadal diyaar u aheyn.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay inay kalsooni siiyaan odayaasha dhaqanka ee haatan ku howlan dhex-dhexaadinta labada dhinac.

“Anagu Axsaab ahaan waxaa Madaxweynaha noogu dambeysay 24kii May, ina koorane wuu fadhiyay, habeenkaas meel la isaga soo noqdo may banneen, 9kii Bisha waxaa jiray Odoyaal isku xilqaamay oo haldoorka, Ganacsatada & salaadiinta kamid ah, way noo yimaadeen oo waxa ay naga codsadeen in aan hakino mudaharaadka oo ma warwareegin kalsooni ayaan siinay, waxa aan leenahay horta odoyaasha kalsoonida siiya markaas buu wadahalka iska billaabmi doonaa” Cabdiraxmaan Cirro.

Dhankiisa guddoomiyaha UCID, Faysal Calio Waraabe oo ka hadlay xiisaddan ayaa sheegay in muhiimaddu ay tahay in la bad-baadiyo mustaqbalka Somaliland, lana qabto doorasho.

“Maanta waxaa loo baahan yahay, kubadda xaggeenu ma taallo, Jin qofkii keena ayaa saara, Waxa aynu isku heysanaa carruurtaas mustaqbalkooda oo aan waxbarasho & dhul toona la siin balse lacagtooda la uruursanayo” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Doorashada Somaliland ayaa ku waqtiyeysan 13-ka November 2022, waxaase mucaaradka ay ku eedeynayaan in Biiix ku howlan yahay muddo kororsi si dib loogu dhigo doorashada.