25.6 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Awooda hay’adaha sirdoonka KENYA iyo Weerarkii Westgate (WARBIXIN)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Madaxda baarlamaanka iyo khubarada ammaanka ayaa codsanaya in awoodda Hay’adda Sirdoonka Qaranka Kenya (NIS) la balaadhiyo iyada oo la doonayo in hay’adda laga baddalo ahaanta ay tahay mid aan waxba qabanaynin lagana dhigo awood tayo leh oo wax ka qabata la dagaallanka argaggixisada.

NIS oo ah hay’adda kaliya ee waddanka ee u xilsaaran ururinta iyo falanqaynta sirdoonka, ayaa waxaa soo gaadhay dhaleecayn badan oo ku aaddan guul darradii ay ku guul darraysatay in ay baajiso weerarkii bishii hore loo gaystay suuqa laga dukaamaysto ee Westgate ee Nairobi.

September 27-deedii, ayaa NIS ay is difaacday, iyada oo sii daysay warbixnno sireed oo ay siisay warbaahinta taas oo ah si tafaasiil ah ay ugu sheegayso in ay uga digtay dawladda, oo ay ku jiraan booliiska Kenya, weerar laga yaabo in Westgate iyo meelo kale oo caam ahba lagu qaado.

Waxqabad la’aanta booliiska ayaa dhalisay codsiyada ah in NIS la awood galiyo si ay tallaabo toos ah u qaaddo marka ay warar sireed hesho intii ay sugi lahayd ama ku tiirsanaan lahayd wada shaqaynta hay’adaha kale ee ammaanka.

“Sida ay hadda NIS u samaysan tahay waxaa weeye uun sidii machad cilmi baadhis. Ma awoodi karto in ay iyadu wax ku qabato sirdoon [xasaasiyadda wakhtiga iyada oo la fiirinayo] ay leedahay iyada oo dastuurku uu awooddaas siinayo booliiska,” Asman Kamama, oo ah guddoomiyaha Guddiga Ammaanka Qaranka iyo Maamulka ee baarlamaanka Kenya ayaa sidaas yidhi.

“Weerarkii suuqa Westgate wuxuu ahaa weerar lala beegsaday dawladnimada Kenya iyo ku daandaansi ah,” Kamama ayaa sidaas yiri. “Waxaan fiirinaynaa dulduleelada waxqabad ee Sharciga Hay’adda Sirdoonka Qaranka, si aan u baddalno sida ugu fiican oo aan hay’adda ugu awood siinayno in ay si toos ah wax uga qabato xadgudubka argaxixisada.”

Jimcaha (October 18-keeda) ayaa Maamulaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Michael Gichangi, Isbatooraha Guud ee Booliiska David Kimaiyo, Maamulaha Baadhitaanka Dambiyada Ndegwa Muhoro iyo Xoghayaha Arrimaha Gudaha iyo Iskaashiga Dawladda Qaranka Joseph ole Lenku la rajaynayaa in ay ka warbixiyaan iyaga oo hor fadhiisan doona Guddiga Maamulka iyo Ammaanka Qaranka iyo Guddiga Difaaca iyo Xidhiidhka Dibadda ee baarlamaanka, kuwaas oo baadhaya arrimihii la xidhiidhay weerarkii Westgate.

“Labdan guddi ma laha hadaf faadhfaadhid ama dhaleecayn,” Kamama ayaa sidaas yidhi. “Waxaan wadnaa shaqo muhiim ah oo xaqiiqo raadis ah oo ay waddo doonitaan ah in aan farta ku fiiqno daldaloollada shaqo iyo qaab-dhismeed ee NIS kadibna aan soo jeedino waxyaabo awood siinaya hay’adda sirdoonka.”

Kamama ayaa sheegay in NIS ay ka shaqeeyaan dadka ugu maskaxda badan shaqadaasna si fiicana loo maal galiyo. “Wax sabab ah ma jirto [oo ay] warbixinnada NIS ay u taalo xafiisyada hay’ado kale,” ayuu yidhi. “Haddii NIS la awood galiyo, waxaa laga yabaa in ay nolol badbaadiso. Hadafkaanagu waa xoojinta NIS ee ma aha curyaaminteeda.”

NIS waa ‘shabeel waraaq ku sawiran’

NIS, oo loo yaqaanay Adeegga Sirdoonka Qaranka Kenya ka hor inta aan sharciga NIS la oggolaanon sanadkii 2012, waxaa si toos ah u maamula Guddiga Ammaanka Qaranka oo qof shibil ah hoggaamiyo.

Dastuurka saddexda sano jira ee Kenya ayaa awodii ay NIS lahayd ee ahayd in ay tallaabo toos ah qaadan ka xayuubisay si ay u ilaaliso xadgudub ka dhan ah xuquuqda insaanka, laakiinse Raymond Kipkorir Cheruiyot, oo ah kornayl ka tirsanaa ciidanka Kenya haddana ka kid ah milkiilayaasha Multi Security Consultants Limited ee Nairobi ku taala, ayaa sheegay in doonitaanka ixtiraamka xuquuqda insaanka iyo dalabka xisaab shaqeedka ay curyaamisay hay’adda.

“[Sharciga] ayaa ka dhigay NIS shabeel waraqeed. Sidani ma aha sidii la rabay. Waxaa jira habab badan oo wax looga qaban karo xad gudubka hay’adda sirdoonka sida maamul baarlamaan oo daba gal ah ama hay’ad shibil ah oo madax bannaan,” ayuu yidhi.

“Haddii aysan NIS dammaano qaadi karin ammaanka Kenyaanka iyo dadka waddanka booqda hadda sababta oo ah sharciga ayaa xakamaynaya, waxaa la gaadhay wakhtigii si feejigan loo fiirin lahaa Sharciga NIS gabi ahaanba,” ayuu yidhi.

Cheruiyot ayaa sheegay in Kenya ay tahay in ay ku dayato waddamada horay u maray ee leh hay’ado sirdoon oo xoog leh tayana leh.

“Fikradayda, NIS waa in la siiyo awood sharciyeed oo ay ku galayso hawlgallo qarsoon oo ka dhan ah argaggixisada Kenya ku sugan iyo dibadaba. Hawlaha ka dhanka ah argaggixisada ee aduunka oo dhan waxay noqdeen kuwo aan sahal ahayn khatartoodana leh. Argaggixisada ayaa heegan ah lehna xirfado ciidan,” Cheruiyot ayaa sidaas yidhi.

“Hay’ad sirdoon oo awood leh ayaa ah indhaha, dhegaha iyo sanka dawladda. Waa habka lagu dhisay ammaanka waddanka,” Cheruiyot ayaa sidaas yidhi. “Awood siinta NIS waxay ka dhigan tahay dammaano-qaadka ammaanka Kenyaanka iyo xaqiijinta ammaanka waddanka guud ahaan.” Warbixinnada NIS ayaa la siiyaa xoghayaha golaha wasiirada ee arrimaha gudaha iyo xidhiidhka dawladda qaranka, xoghayaha joogtada ah ee wasaarada, isbatooraha guud ee booliiska, labadiisa ku xigeen iyo maamuulaha qaybta dambi baadhista ee booliiska.

“Sirdoonka ayaa macno samaynaya markii si wakhtiyaysan loo istcimaalo si saamayntii la rabayna loo helo,” Ndungu Gathinj, guddoomiyaha guddiga difaaca iyo xidhiidhka dibadda ayaa sidaas yidhi.

“Si kastaba ha ahaatee, sirdoon muhiim ah, haddii aan waxba lagu qabanin, wax faaiido ah ma laha, [waxaana weeye] dhumin lacagta canshuur bixiyayaasha iyo ka gaabin masuuliyadeed,” ayuu yiri.

U baddalida sharciga si xilkasanimo ah

Agaasimaha PeaceNet Kenya Stephen Kirimi Mwamba ayaa sheegay si ay NIS u hesho awoodda shaqo ee loo bahaan yahay, waa baarlamaanku inuu wax ka baddalo Sharciga NIS ee 2012.

“NIS waa in la siiyo awoodda ay u baahan tahay si ay wax uga qabato dambiyada abaabulan sida argaggixisada, laakiinse isla markaana waa in uu baarlamaanku la xisaabtamaa,” ayuu yiri.

“Shaqaalaha sirdoonka ee NIS, ayay waajib tahay in ay haystaan awoodda ay guryo ku baadhi karaan kuna qaban karaan tuhmanayaasha argaggixisada,” Mwamba ayaa sidaas yidhi. “Sharciga NIS ayaa xakamaynaya awoodda hay’adda sirdoonka iyada oo lagu sheegay in ay tahay hay’ad shibil kana mamnuucaysa qaadidda shaqooyinka booliiska ama shaqooyinka milatarigu qabto, laakiinse shaqada sirdoonka ayaa ay tahay in ay qabtaan shaqooyin milatari iyo xirfado hawlgalo khaas ah ama ay lahaadaan khibrado dagaal.”

Dadka qaar ayaa qaba, si kastaba ha ahaatee, in Kenya ay taxaddar ka muujiso in awood dheeraad ah la siiyo hay’adda sirdoonka.

Ilaa iyo inta aysan Hay’adda Sirdoonka Qaranka Kenya istcimaalaynin qaabab sharciga ka baxsan sida ciqaab iyo xidhitaan sharci darro ah ee tuhmanayal, waan taageerayaa awoodda dheeraadka ah ee la siinayo,” David Koros, oo ah isku dubaride barnaamij oo ka shaqeeya Xarunta Kenya ee la Dagaalanka Ciqaabta, oo ah hay’ad u go’day dhawritaanka xuquuqda insaanka iyo dhaqan celinta dhibbanayaasha ciqaabta oo ay ciqaaban shaqaalaha ammaanka iyo kooxaha hubaysan ayaa sidaas yidhi.

“Si kastaba ha ahaatee, taladaydu waa in argaggixisada looga hor tago caddaalad,” ayuu sheegay. “Si NIS loogu aamino awood badan, waa in ay la socotaa qaabab lagu eegayo in aysan qabashooyin sharci daro ah, dil sharciga ka baxsan iyo caddaymaha oo ay been abuuraan aysan samaynin. Muhiimaddu waxaa weeye, in shaqaalaha NIS ay si akhlaaqda iyo anshaxa waafaqsan ku shaqeeyaan.”

Isha: Sabahi Online

- Advertisement -

Read more

Local News