Doha (Caasimada Online) – Dowlada Qadar ayaa sheegtay in Saldhigyadeeda Militery ay soo gaaren ciidamo ka socda dalka Turkiga, kuwaa oo ay u dhan yihiin agabkooda Militery.
Wasiirka arimaha dibada dalka Qatar Maxamed Cabdulraxman Al Thani, ayaa sheegay in ciidamada Turkiga ay ku biiri doonaan ciidamada Militeriga Qadar ee qeybta ka ah gaafmeerka amniga.
Wasiirka waxa uu sheegay in ciidamadaasi la geyn doono xaduudaha Qadar, gaar ahaan xuduudka ay la wadaagan dalka Sacuudiga.
Waxa uu tilmaamay in ciidamadani ay ka badan yihiin kuwa hadda soo gaaray Qadar, waxa uuna cadeeyay inay ka qeybqaadan doonaan amniga iyo gaafmeerka ay sameyn doonaan ciidamada Qadar.
Sidoo kale, Wasiirka arimaha dibada dalka Qatar Maxamed Cabdulraxman Al Thani, ayaa sheegay in ciidamada Qadar ay iminka galsheen heegan buuxa, si buu yiri looga gaashanto weeraro iyo hujuum kaga imaada dhanka argagixisada.
Dhinaca kale, Dowlada Qadar ayaa ballanqaaday inay ka jawaab bixin doonto hujuum waliba oo ka dhaca dalkeeda.
Caasimada Online
Xafiiska Doha
[email protected]

