Warbixin Murugo leh: Dumarka ku nool xerooyinka qaxooti ee Muqdisho oo kufsi nolol looga dhigay.

Rabshadaha lala beegsado dumarka Soomaaliyeed ayaa sii kordhaya, siiba dhacdooyinka kufsiga ah ee lagula kaco dadka barakacayasha ah (IDPs) ee Muqdisho iyo nawaaxigeeda ku barakacsan, dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dumarka ayaa leh.

Munaasaddii Qaramada Midoobay ee Maalinta Caalamiga ah ee Cidhib-tirka Rabshadaha Dumarka ka dhanka ah ee la qabtay Nofeembar 25-keedii, ayay dhaqdhaqaaqayaashu ku baaqeen in la kordhiyo dadaalka loogu jiro in laga hortago rabshadaha dumarka Soomaaliyeed lala beegsado.

“Dumarka Soomaaliyeed ayay ku dhacdaa noocyo badan oo rabshado ah oo ay ka mid yihiin gudniinka, guurka khasabka ah iyo garaacista qoyska dhexdiisa ah, balse kufsiga ayaa wali ah ficilka ugu dhibka badan oo ay dumarku la kulmaan,” ayay tidhi Sahra Maxamed oo ka mid ah Xarunta Horumarinta Dumarka Soomaaliyeed. “Waxaan diiwaan galinay 126 kiis oo kufsi ama kufsi isku-day ah afartii bilood oo la soo dhaafay kaliya korodhkan waynina wuxuu yahay mid walwal dhaliyay.”

Waxay sheegtay in tirada dhabta ah ee kufsiga uu intaas ka sii badnaan karo sababta oo ah dulmanayaasha inta badan ma sheegaan dambiga loo gaystay. “Waxaa jira kiisas badan oo aan la soo sheegin sababta oo ah dulmanayaashu waxay dareemayaan in ay ceeb ku tahay in ay ka hadlaan wixii ku dhacay sababta oo ah waxay ka baqayaan in kufsigu uu ceeb u soo jiido,” ayay tiri. “Waxay tani ka timid bulshada Soomaaliyeed oo ah mid aad u dhawrsan oo kufsiga u aragta in uu yahay ceeb dumarka daba soconaysa noloshooda oo dhan.”

Xarunta Horumarinta Dumarka Soomaaliyeed waxay qaban qaabisay shir laba bari soday oo ay ka soo qayb galeen qaybo kala duwan oo bulshada Soomaaliyeed ka mid ah oo Muqdisho lagu qabtay Nofeembar 25-teedii si loo kordhiyo ogaalka xuquuqda dumarka loogana hadlo noocyada kala duwan ee rabshadaha jirdilka iyo kufsiga ah ee lagula kaco dumarka.

Dumarka xeryaha dadka wadanka gudahooda ku barakacay ayaa si gooni ah loo dulmaa.

“Dambiyada kufsiga iyo xoog muquuninta kufsiga lagu doonayo oo lagula kaco dumarka ku nool xeryaha qaxootiga ee Muqdisho ayaa kor u kacay,” Maxamed ayaa tidhi. “Tani waxaa loo baahan yahay in ay ka hor tagaan dawladda iyo dhamaan kooxaha dhaqdhaqaaqa si loo hakiyo cudurkan sii beermaya.”

Dulmanayaasha la kufsaday intooda badan waxay ku nool yihiin xeryo IDP oo dayacan oo banaankoodu uusan inta badan lahayn albaabyo ama dhismayaal kale oo celin kara qofkii rabshad damacsan.

Sababtan darteed, ayay Samiira Cabdullahi, oo madax u ah Xerada Soomaliyeed ee Dhawrista Dulmanayaasha la Kufsaday, waxay tidhi dumarka dulman ee la kufsaday intooda badan waxay ku nool yihiin xeryaha. “Boqolkiiba sagaashan iyo shan dhacdooyinkan waxay ka dhaceen xeryaha IDP markay kuwa wax kufsanaya habeenkii weeraraan, iyaga oo qori ku qabta, dumarkana ugu dhaarta in ay dilayaan haddii ay u yeeli waayaan siday rabaan,” ayay sheegtay.

Cabdullahi waxay sheegtay in xeryaha IDP-da ee Muqdisho ku yaal aan la ilaalinin — marka laga reebo xerada Badbaado oo ay maamusho dawladda Soomaaliya iyo xerada Jazeera oo ay maamusho Laanqeerta Cas ee Turkiga.

“Ka hortagga dhibaatan laguma samayn karo hal-kudhegyo iyo hadal kaliya,” ayay tidhi. “Waxaan ugu baaqaynaa dawladda cusub in ay tallaabooyin degdeg ah qaado si ay u ilaaliso dadka barakacsan.”

Sheeko shakhsiyeed ku saabsan kufsi ka dhacay xero Muqdisho ku taal.

“Dumarka IDP-da ma dareemaan amni, sababta oo ah ma jirto cid ka badbaadinaysa weerarka tuugada iyo shakhsiyaadka hubaysan,” ayay tidhi Farxiya Axmed, oo ah 43 jir hooyo u ah saddex gabdhood oo dhalinyar kuna nool xerada Kulmis ee degmada Hodan ee Muqdisho.

“Dhawr usbuuc ka hor, gabdhahayga mid ka mid ah oo jirta 17 sano ayay kufsadeen niman hubaysan,” ayay tiri. “Gabadhu waxay aaday dukaan dhow si ay u soo iibiso saliid wax lagu kariyo intii ay sii socotayna waxaa jidka u galay saddex nin oo hubaysan kuwaas oo qori ku qabtay una jiitay dhisme cidlo ah halkaas oo ay ku kufsadeen.”

“Gabadhu waxay isku dayday in ay qaylido si ay caawinaad u hesho, balse nimankii hubaysnaa waxay ku garaaceen qoryohooda dabadooda wayna haraatiyeeyeen,” ayay tidhi. “Markii ay kufsadeen ka dib, waxay ugu caga jugleeyeen in ay dilayaan haddii ay cid u seegto wixii dhacay.”

In kasta oo aysan dumarka inta badan ka hadlin kufsiga iyaga oo ka baqaya ka hortagga bulshada, Axmed waxay sheegtay in ay muhiim tahay in ay la wadaagto sheekada gabadheeda si ay wacyi galin u samayso oo looga hortago in ay ku dhacdo dumar kale.

“Gabadhaydu wali way didsan tahay sababta oo ah kufsigan kooxeed wuxuu saameeyey maskaxdeeda iyo jidhkeedaba,” ayay tidhi.

La xisaabtan la’aanta oo dumarka halis galinaysa.

Malyuun Sheekh Xayder, oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dumarka madaxna u ah Xarunta Qiimeynta iyo Horumarka, waxay sheegtay in dumarka Soomaaliyeed lagu kalifo dulmiyo kala duwan oo ay ku jiraan gudniinka, guurka khasabka ah, muquuniska kufsiga lagu doonayo, kufsiga iyo garaacista qoyska dhexdiisa ah.

Waxay sheegtay in la xisaabtan la’aantu ay siyaadinayso weerarada dumarka IDP-da loo gaysto sababta oo ah dambiilayaashu waxay ogyihiin in ay dambi gaysan karaan iyaga oon la ciqaabin. “Xaqiiqdii, dambiilayaasha intooda badan looma ciqaabo dambigooda taasina waa mid nasiib xumo ah,” ayay ku warrantay  “Dambiilayaasha waa in la ciqaabaa.”

Xaydar waxay soo dhowaysay booska u taagan yahay madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, oo digniin adag ku siiyay ciidamada xoogga Soomaaliya in ay ilaaliyaan amniga shacabka. “Askarigii dila qof kale waa la dilayaa,” ayuu Maxamuud yidhi Axaddii. “Askarigii qof kufsadana waa la dilayaa.”

“Dambiileyaasha waa in sharciga la hor keenaa oo lagu ciqaabaa sida uu sharcigu qabo sababta oo ah gabdhaha Soomaaliyeed in ay sharaf dhacaan ma ahan iyada oo ay kuwa kufsiga gaysta xor yihiin oo ay ka badbaadeen sharciga,” Xaydar ayaa tidhi.

 

Isha: Sabahi