Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa laba maalin ka hor dhageystay khudbadaha musharixiin u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya kuwaasi oo gaaraya 23 xildhibaan.
Ka sokow in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay dhageysteen khudbadahaasi, ayaa haddana waxaa jiray inay sameeyeen arimo aysan wanaagsaneyn in xildhibaan qaran uu sameeyo.
Waxaa xildhibaanada ka muuqatay inay sameeyeen eex iyo nin jecleysi dhanka khudbad jeedinta xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
Maalintii Sabtida khudbadii ay jeediyeen musharixiinta ayaa qaatay saacado badan, balse waxaa muuqanayay in musharixiinta qaar ay goobjoog u ahaayeen xildhibaano kooban oo aan tiro badneyn.
Maalintii Khamiista oo khudbad ay jeediyeen Xasan Sheikh Maxamuud iyo Shariif Sheikh Axmed, waliba ay khudbeeyeen kheybta labaad ee khudbad jeedinta ayaa waxaa xaadir u ahaa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
Laakiin labadii maalin ee lasoo dhaafay waxaa xildhibaanada ay dhageysanayeen badankood qeybaha hore ee khudbad jeedinta, mana jirin in xildhibaanada salaada kadib ay kusoo laabtaan hoolka baarlamaanka.
Arintaasi ayaana noqotay qaladaadka ugu horeeya ee ay sameeynayeen xildhibaanada baarlamaanka, maadaama ay ku tusineyso in musharixiin kooban ay u joogeen kuwa kalana ay ka tageen.
Waxaa su’aal dul saran tahay side xildhibaan u dooran doonaa musharax uusan dhageysan waxqabadka uu la imaanayo ?
Arinta kale ee Quursiga keentay ayaa ah in xildhibaanada baarlamaanka ay ku dhex hurdayeen xarunta baarlamaanka dhexdiisa, taasi oo ka dhigan inaysan ku socon khudbadaha musharixiinta qaar ay jeedinayeen.
Waa xildhibaan qaran haddana sidaasi u dhaqmaya, iyadoo la wada og soon yahay sida rafaad ah ee ah kusoo baxeen xildhibaanada sanadkaan
Arintaan ayaa waxaa walaac ka muujiyay qaar kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]