Warbixin: Yaa adkaan kara labada garab ee is-diidan ee xildhibaannada BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel-ka SYL kulan ku qabsaday xildhibaanado tiradooda kor u dhaafeyso 135 kuwaas oo muujiyey in ay taageersan yihiin Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kana soo horjeedaan mooshinka ka dhanka ah.

Dalka waxa uu ku jiray xasillooni darro siyaasadeed dhawrkii maalmood ee tagay kaddib markii 9-kii bishan uu gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan qabtay mooshin ay 92 xildhibaan ka soo gudbiyeen Madaxweynaha.

Hase ahaatee, wixii markaa ka dambeeyey xaaladda wey sii xumaaneysay iyada oo ay qaar ka mida xildhibaanada sheegeen in laga been abuurtay halka uu Mursal oo ka cabanaya in la cunaqabateeyey isaga guuray gurigii uu ka daganaa Villa Soomaaliya.

Hadaba haddii ay 135 xildhibaan tiro ka badan ay si cad u sheegeen in uu mooshinka buray oo ay garab taagan yihiin Madaxweynaha iyo xukumadda sida ku cad 10 qodob oo ay war-saxaafadeed ku soo saareen, maxaan ka barran karnaa?

Tirada golaha shacabka oo laga jaray inta fariisatay 275-135= 140

Sida ku cad tirada kore waxaa meesha ka maqnaa 140 xildhibaan, inkasta oo xildhibaanada taageersan madaxweynaha ay ku doodeen inay yihiin 167. Xitaa haddii ay taa sax tahay waxaa maqan 108 xildhibaan. Sidaas darteed markaad eegto 108 ama 140-ka maqan waxaa kuu soo bexeysa in qolada Mooshinka wadaa ay xooggan yihiin oo aan la dhayalsan karin.

Sidaas daraadeed waxaan ka baran karnaa in xaajadu tahay BARBAR DHAC oo ay ku badan doonto in sheekada laga heshiiyo maadama midkoodna haysan aqlabiyadda golaha hoose oo midka kale uu kaga adkaado.

Waxaa taas xoojineysa labadii malamood ee u dambeeyey laba jeer oo uu hadlay gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in xal in la gaaro aysan ahayn mid meesha ka baxsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com