WARCELINTA MAQAALKII HAWIYE WAA DHAGOOLE DHIBAN (AQRI)

Dhowaan Caasimada Online, waxaan ku faafiyey maqaal cinwaankiisu ahaa Hawiye waa degoole dhiban. Maqaalka Murtidiisu waxay ku uruursaneyd shan qodob oo kala ah:

1.NGOleyda Islax oo ah kaligood cuneyaal ku takrifal kaalmada loogu yabooho Soomaalida tabaaleysan, bal Soomaaliyey arka.

2.Jilibyo Sheekhaal ah sida Aw Xasan Kalweyn oo aan gaashaanbuurta Hawiye ka mid ahayn, balse xil iyo hantiba ku hela haybta Hawiye.

 3.Shaqaalaha qaranku waa Islax iyo Abgaal, hoggaankuna waa Damul-jadiid suurtagal maaha oo Siyaad Barre ayey u socon weyday dheefta qaranka oo dhan waxay gaar u tahay gaashaanbuurta Mareexaan-Ogaadeen-Dhulbahante.

4.Wasiiradii 1960-90 hantida ay ka boobaan qaranka waxay ku keydsan jireen Bankiyada Shisheeye, maantana Madaxweynaha dahsoon Faarax Topaz iyo khasnajigiisa Axmed Galool hantidii ay qaranka ka boobeen shirkadaha ay ku iibsadeen waxaa ka mid ah Telcom Somalia oo hadda isu beddeshay Telcom Aw Xasan wal Topaz. Gabyaa Qaasim wuxuu yiri (Isma doorin Gaalkaan diriyo daarta kii galaye).

5.Madaxda Mudulood ha fahmeen nuxurka Xadiiska ka hadlaya iimaanka Abubakar Sadiiq, waxaana ku booriyey inay iska dhaafaan ku tiirsanaanta qof ku caanbaxay jallaafo iyo luggooyo, sida: Maxamed Abshir, Shariif Sakiin & Faarax Topaz.  

Xikmadii maqaalku xambaarsanaa, akhristeyaal badan ayaa si khaldan u fahmey, gaar ahaan shaqsiyaad haybtoodu tahay Qudub iyo Xasan Kalweyn. Doodeydii ku wajahnayd haybta Sheekhaal biyadhaceedu wuxuu ahaa in Sheekhaal ka kooban tahay Loobege Fiqi Cumar oo abtirkiisu yahay Hawiye iyo Xertiisii oo ka kooban Soomaaliweyn. Maqaalkaasi wuxuu dhaliyey muran xad-dhaaf ah, waxaa la ii soo tebiyey naqdin nuxurkeedu ahaa (dhaliil iyo dhaleeceyn) ka timid Xerta, waxaa ka mid ah dad ku andacoonaya Sheekhaal waa Yuhuud oo Soomaali maba ahan, bal u fiirso erayada hoose oo aan ka helay akhriste aad u careysan.

(Aniga waan jir adkahay wax shaqo ahna kuma lihi qabiil laakiin article like this will damage your outstanding website. Freedom of expression is sacred to me, but not to express heresy, innuendos and libelous accusation without facts.  Lighter side, Iranian researcher inform me who is well known Ethnologist that Faqi Omar or founder of Shiikhaal was a Jew, He showed me pictures he took Harar Shiikhaal cemetery, old graves has star of David, could be that religious Shiikhaal accommodated  some fellow Jews out of kindness and Islamic religious doctrine?  Could be that since most of Shiikhaal knew how to write and read before most of Somalis that they knew in Islam mixing graves is not sin? 

I am also disappointed how this man to ridicule the great effort of those pioneer Somalis who thought thousands of Somalis how to read and write in Arabic and understand holly Koran and now after 200 years all they got is comparison to Hyenas! From Abdi)

Laguma dhaamee dhaqaaq, iska hadal afkaagu waa qoyan yahee, naqdin la cuskiyey ayaa la ii soo diray, malaha waa ma gudbeyaal aan aqoon sida wax loo qoro, malaha waa dad aan fahmin murtida maqaalka oo aan ku soohay af Somaali hufan oo laaxintiran. Fadlan isbarbardhig wixii aan ka qoray Gen. Daahir Indhaqarshe iyo jawaabta laga bixiyey.

Qoraalkeygii hore (Daahir Indhaqarsho waa technician wuxuu xariif ku yahay madaafiicda goobta Artillery waxaa loo aqoonsan yahay sarkaal dagaalyahan ah oo aan seereyn shiishka kuna hoodo leh aagga dagaalka, dhowr dagaal oo uu ka qeyb galay dallacaad buu ku qaatay sida dagaalkii 1982 ka dhacay Yeed. Daahir Indhaqarsho maamul ciidan iyo si nabadgelyo loo sugi aqoon iyo waayo-aragnimo toona uma lahan, xilka loo dhiibey wuxuu la mid yahay geel caloosha laga raray oo tuurta laga caynshay. Dagaal jabhadeed ka socda daaraha Xamar wuxuu u baahan yahay aqoon gaar ah, farsamo xeeladeysan oo looga libkeeno, taas ka sokow Jeneral Daahir waa hawlgab 20 sano qurbaha ku noolaa)

Jawaabta (Adigoo aan meel kaga dhicin madaxda dalka, Gen Dahir Aden Elmi Indho-Qarsho, Taliyaha ciidanka Somaliyeed oo dagaalkii 1977ku helay bilad geesinimo, kuna taqasusuay xeeladaha dagaalka & madaaficda, waa sarkaal Russia wax ku soo bartay, Mareykan Boston University Shahado Master ka qaatay, in reerkiisa aad aflagadeyso waa ceeb, caqli-yari kugu jirto, hadii aad dooni inaad wax ka shegto soo weydii sarakisha Somaliyeed ee la soo shaqeyey, waa dhab 20 sano howlgab inuu ahaa, from Ahmed)

Waxaa haboon in la fahmo ulajeedada qoraalkii Hawiye waa dhegoole dhiban oo aan marnaba la geesimarin halbeegga hawraarta iyo murtida hadalka. Cudarka geela ku dhaca gammaanka lagama daweeyo. Waxaan qirsanahay Beesha Loobege inay ka mid tahay gaashaanbuurta Hawiye, waxaase mugdi iiga jiraa haybta (Qudub, Aw Xasan & Gendershe) waxaan codsanayaa xujada aan soo oggay in si waaqici ah la ii qanciyo oo la ii caddeeyo gaashaanbuurta ay qaaraanwadaag la yihiin seddaxdaas beelood. Weli waxaan doon-doonayaa yaan toleystaa yaanse ka tagaa (Al walaa wal baraa). Aqoon durugsan ayaan u leeyahay beelaha Soomaalidu inay yihiin gaashaanbuur ku mideysan hayb qabiil oo haba yaraatee aysan jirin wada dhalasho iyo abtir ku aroora hal oday, oo horaa loo yiri (tol waa tolane. Tol xeer baa mideeyee xinjir ma mideyso). Waxaan shalay ahaa iyo abtirkeyga runta ah Allaa yaqaan, waxaanse maanta ahay Hawiye u abaabulan sida Xisbiga Dimoqoraadiga ah oo loolan kula jira Xisbiga Jamhuuriga oo ah Daarood, mana aaminsani inuu jiro oday la yiraah (Hawiye, Daarood, Dir & Raxanweyn) oo ubadkey dhaleen ay ku abtirsadaan.

Gobolka Banaadir, waxbarasho iyo dhaqaaleba waxaa gacanta ku haya NGO Islax oo deeqaha waxbarashada dibeddea iyo Jaamacadda Muqdisho waxay u xiran tahay (Monopoly) Qudub iyo Aw Xasan, Soomaalida kale waa xaqlaaweyaal, xataa beesha Loobege dheefta waxba lagama siiyo. Maanaboligaas Hawiye kama hadlee sababtu maxay cuskan tahay? 1980-yadii ilaa 1990kii Wasaaradii Tacliinta Sare iyo Jaamacadii Soomaaliya waxay gacanta ugu jirtay Daarood, waxaa Jaamacadda loo diiday arday magacoodu yahay (Culusow, Jamcaale, Geedi iwm) balse waxaa la ogolaay inay magaca beddeshaan oo ay la baxaan (Calas, Jaamac, Guuleed iwm) Hawiye jowrfalkaas waa ka gilgishay waana ka dagaallamay, balse maanta ardayda Hawiye NGO Islax kama helaan xataa magac beddelashadii Daarood ogolaa lagma helo, isla markaana Hawiye wax cabasho kama muujiyo caddaaladdarradaas ee sababtu maxay tahay? Gammaanka (faras, baqal & dameer) marka la jara-barayo ama la rarayo cod gurxan iyo danan leh ayey ku qayliyaan, balse marka libaax ama dhurwaa cunayo waa aamusaan waxayna muujiyaan inay ku raaxaysanayaa dugaagga halakeeyey ee hilibkooda feentay. Mufakereenta caqliga leh waxay mucjisadaas ku tilmaameen in gammaanku dugaagga cunaya ku leeyahay iska key cun adiga ayaan afar lugoodle isku nahay oo laba lugoodle ayaa i rartay oo i dhibay. Sida la qiyaasi karo Hawiye wuxuu leeyahay Sheekhaaley iska keen cuna kolley Daarood waad ka sokeysaane.

Riyo run ma noqoto:

Dagaalka ciidamadu ku faltamaan, dabridka iyo gacan ka hadalka waxaa ka horreeya sahan iyo sirdoon. Dagaal-gelinta ciidanka waxaa muhiim u ah taliyaha aaggu inuu si dhab ah oo hubsiimo leh u yaqaan cadowga kasoo horjeeda awoodda ay leeyihiin sida: tiro, tababar, tayo, noocyada hubka, saad iyo saanada. Haddii taliyuhu xog la’aan si hawtulhamag ah ciidanka ku dagaal-geliyo aagga dagaalka waxay kala kulmaan hoog iyo halaag, guuldarro iyo jab.

Dagaalka dhexmara beelaha Soomaalida isla nidaamkaas ayuu ku dhisan yahay. Tusaale 1991-92 dagaallada Koofurta Soomaaliya ku dhexmaray Hawiye iyo Daarood, jabkii Daarood ku dhacay waxaa loo aaneeyaa dagaalka oo ay ku galeen hawtulhamgnimo iyo islweyni. 1980-yadii gabaygii Ergo Daarood kadib Madaxdii Daarood wey kibreen waxaana ka lumay caqligii iyo garashadii habooneyd. Beelo aan Daarood ab iyo isir la wadaagin ayaa si ka fiirsi la’aan ah loogu abtiriyey Daarood, waxay kaloo aamineen qowmiyadda Soomaalidu 90% inay Daarood tahay oo mar baa lagu sigtay in magaca dalka loo beddelo Jamhuuriyada Daarood. Madaxdii Daarood waxay iska dhaadhiciyeen beelyarta Galgalo oo 50% Abgaal ka ah inay tahay Nuux Majeerteen. Beesha Tunni inay tahay Ogaadeen Bah Geri. Ciidankii Gobolka laga soo qoray waxaa loogu sheekeeyey inay Daarood yihiin balse 90% waxay ahaayeen Soomaali kale sida: Allagumar, Dagoodi, Fiqi Muxumud, Raxanweyn, Beydiisle, Booran iwm. Ciidankaas oo lagu soo guubaabiyey yaa Daarood ah, Jannaayo 1991 markii aagga dagaalka la geeyey 80% waxay kasoo safteen dhankii jabhadda USC oo horaa loo yiri dhalasho iyo dhego geel meeshood ma dhafaan. Farriinteydu waa Hawiye iska hubi beelaha ku mideysan gaashaanbuurta oo sidii Daarood hayska dhaadhicin been iyo dhalanteed. Abshir Bacadle (AUN) wuxuu ku shirbay (Jananku jees yaruu hagaa waa lagu jabee ka joog). Dagoodi waa Daarood iyo Tunni waa Bah Geri, horaa Daarood ugu jabee Hawiye ka joog. 

Gaashaanbuurta Beelaha:

Dhulbaareyaasha (Archaeological) ku xeesha dheer raadraaca taariikhda dadkii hore, waxay qeexeen qowmiyadda Soomaalidu inay geeska Afrika deganay afar kun oo sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise CS. Haweeneydii Hatshepsut oo dhalashadii Nabi Ciise CS ka hor (1457-1479 BC) ahayd boqorradii Faraaciinta Masar oo booqatay Mandaqada Puntland waxaa la sheegay inay Woqooyi-Bari kula kulan shacab Soomaaliyeed oo boqorkooda lagu magacaabi jirey Caluula. Gaashaanbuurta beelaha Somaalida oo intooda badan lagu magacaabo Afar iyo Adeer, abtirkoodu waa 30 fac, halkii facna waa 30 sano (30 fac X 30 sano = 900 sano). Afar kun sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise CS waxaa laga joogaa lix kun sano iyo dheeraad, abtirka gaashaanbuurta Afar iyo Adeer waa 900 sano, halkaas waxaa ku lunsan 5100 sano oo aan raadraceeda la hayn. 900 boqol sano ka hor waxaa hanaqaaday gaashaanbuur beeleed magacyo kala duwan leh, waxaa ka mid ah: Deyr-yahan, Ugaar-yahan, Biciid-yahan, Cawl-yahan, Cusba-yahan, Lohod-yahan iwm. Magacyadaasi waxay qeexayaan xirfad koox ay ku midowday ee marnaba ma tilmaamaan dhalsho isir.

Qofka aaminsan qabiilku inuu dhalasho yahay waxbaa ka khaldan ee ha aamino qabiilku inuu dhaqan wadaag yahay, taasna waxaa laga dheehan karaan murtida lagu muujiyey iskaashiga tolka. Sida qaalibka ah boqolkii sanoba beeluhu wey kala guuraan oo jilib tiro yari lagu ciilay ayaa ka rugdoorsata tolkii hore kuna biirta tolweyne cusub, tusaale: Dhulmareen Ingiriiska ah ee lagu magacaabo Richard Burton buugiisa First foot steps in East Africa, wuxuu ku qoray 1850 inuu Jijiga ku arkay qabiil la yiraah Cusba-yahan oo Hawiye ah, waxaa la sheegay Cusba-yahan inuu muddo kadib ku biiray gaashaanbuurta Ogaadeen. Sidoo kale jilibyo badan oo waaggii hore ahaan jirey Warro-Warro (Dir) ayaa gadaalkii dambe ku biiray Ogaadeen, waxaa ugu dambeeyey Warro-dhaqo oo 1970 kadib ku biirtay Ogaadeen. Waxaa kaloo Ogaadeen ku biiray jilibyo Gugundhabe Hawiye ah. Qabiil kasta waa gaashaanbuur aan wax wada dhalasho ah aysan ka dhaxeyn. Heesta Xildhibaan xaal qaado oo loogu hiilliyey Ra’iisul Wasaare Farmaajo, abwaanka allifey iyo kan ku heeseyba maanta waa Cumar-dheer Mareexaan, balse shalay 1955 waxay ahaayeen Cumar-dheer Cayr. Dabayaaqadii 1980kii shaqaale iyo ciidanba dadkii ka shaqeynaayey Gobollada Woqooyi Galbeed waxay u badnaayeen Daarood. Seddax sarkaal oo ka shaqeynayey Hargeysa ayaa la weydiiyey haybtooda qabiil: nin wuxuu yiri waxaan ahay Dashiishle ku abtirsada Harti, nina wuxuu yiri waxaan ahayd Kaskiqabe ku abtirsada Harti, nina wuxuu yiri waxaan ahay Geesaguulle ku abtirsada Harti. Oday Isaaq ah oo aan weligi maqlin beelahaas ayaa yiri (walaal oo Harti miyuu nool yahay oo weli dhalaa) oraahdaasi waxay noqotay halhays ka hirgalay Hargeysa. Burburkii boqortooyadii Ajuuraan, kala firxadkii jilibyada kala ah: Jambeel iyo Walamege waxay ku biireen gaashaanbuurta Majeerteen.

Saadaal Farxad leh:

Weli waxaa jira beelo yaryar oo hantid la’aan, firiirsanaan iyo tiro yari darteed lagu hayb sooco, xulashada geyaanka waxaa loo arkaa dad aan xalaal ahayn oo aan laga guursan karin loona guurin karin. Gobollada qaar dadkaas waxaa dulsaaran gumeysi, kadeed iyo silic xad-dhaaf, kana baxsan diinta islaamka iyo aadaminimada. Nasiibwanaag gobollada qaar si wanaagsan ayaa loo la dhaqmaa, walow weli isguursigu uusan ahayn caadi si rasmi ah laysula ogol yahay, laakiin labadii calafku mideeyo lama takooro sida gobollada qaar ka jirta. 20 sano ee soo socda Gabooyaha la degan beelaha kala ah: Gudabiirsay, Isaaq, Dhulbahante, Xawaadle iyo Abgaal, hubaal wey ka haajiri doonaan waxayna la degi doonaan beelaha kala ah: Majeerteen, Mareexaan iyo Habargidir, seddaxdaas beelood oo ku wanaagsan la dhaqanka dadka laga badan yahay (Minority), 50 sano ee soo socdana Gabooyuhu waxay ku milmi doonaan (assimilated) beelahaas, guurkuna caadi buu noqon insha-Allaah. Beelaha sida foosha xun oo naxariis la’aanta ah u faquuqa Gabooyaha ha garwaaqsadeen murti leh ninkii Tumaalkiisa ka taga, nin Tumaalkiisa wata ayaa dila.

Ibrahim Sh. Cabdiweli

Xaniifa77@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online