Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow Muqdisho kusoo idlaatay doorashada gudoomiye ku xigeenka koowaad ee aqalka sare.
Gudoomiyaha aqalka sare ayaa waxaa loo doortay Cabdi Xaashi cabdulaahu, waxaana uu helay 43 cod.
Waxaa xildhibaanada ay hadda u gudbayaan doorashada wareega labaad ee ku xigeenka koowaad ee xildhibanada aqalka sare.
Xildhibaan Abshir Bukhaari ayaa helay codadka ugu badan 17 cod ayuuna helay, waxaana kusoo xigay xildhibaan Dhagdheer oo helay 14.
Waxaa Tanaasulay xildhibaan Jurile oo sheegay inuu ka haray tartanka wareega labaad ee doorashada ku xigeenka koowaad ee aqalka sare.
La soco waxii kusoo kordhaa insha allah
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]