26.9 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Wargeyska Israel Hayom: Kadib aqoonsigii Somaliland waxaa naga hortimid xaqiiqda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wargeyska Israel Hayom ayaa warbixin uu qoray ku sheegay in, inkasta oo Israel ay aqoonsatay gobolka Somaliland, haddana ay ku adkaatay in ay u safraan Hargeysa, sababo la xiriira xaqiiqda ah in weli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay maamusho hawada dalka.

Hoos ks aqriso warbixinta wargeyska

In kasta oo Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland, haddana waxaan ogaannay in u safridda halkaas iyadoo la adeegsanayo dhalashada Israa’iil ay tahay arrin aad u adag oo aan sinaba u fududayn. Waxaan isku daynay inaan raacno diyaaradda Fly Dubai si aan u sii marno Dubai, una sii raacno duullimaad kale oo ku socda Somaliland, balse rajadeenii waxaa buriyay xaqiiqada qaraar ee dhulka taal. 

Waxaa soo baxday in xaqiiqada siyaasadeed iyo tan diblomaasiyadeed aysan la jaan-qaadayn aqoonsiga Israa’iil. Ma ahan oo kaliya inaysan jirin duullimaadyo toos ah oo taga Somaliland, balse hanaanka dal-ku-galka (Visa) ee Soomaaliya, ayaa safarka ka dhigay mid caqabad ku ah isku day kasta oo lagu doonayo in gobolkaas lagu gaaro.

Somaliland, in kasta oo ay aqoonsi rasmi ah ka heshay Israa’iil, haddana ma haysato aqoonsiga dal kale oo caalamka ah. Natiijada tooska ah ee xaaladdan ayaa ah inaysan jirin duullimaadyo toos ah oo taga deegaankaas. Intaas waxaa dheer, shirkadaha diyaaradaha ee caalamiga ah ma aqoonsana Somaliland, taasoo ka dhigan in aysan jirin waddo fudud oo ay Israa’iiliyiintu ku tagi karaan.

Xaqiiqada jirta ayaa ah in u safridda Somaliland ay u baahan tahay in marka hore loo duulo Soomaaliya. Mushkiladda jirta ayaa ah in dadka haysta dhalashada Israa’iil aysan heli karin dal-ku-galka (Visa) Soomaaliya ilaa ay haystaan baasaboor ajnabi ah mooyaane.

Haddii aad ku guuleysato inaad hesho dal-ku-galka Soomaaliya, gelitaanka Somaliland lafteedu waa mid iska fudud. Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa, oo ku yaalla caasimadda Somaliland, ayaa booqdayaasha siiya dal-ku-gal marka ay soo caga-dhigtaan (Visa on arrival), kaas oo qiimihiisu yahay qiyaastii $60. Hannaankaas ayaa ah mid isla goobta lagu dhammeeyo, wuxuuna qaataa daqiiqado kooban.

Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ma bixin xalal la taaban karo oo u sahlaya Israa’iiliyiinta doonaya inay booqdaan. Nidaamka siyaasadeed, oo salka ku haya khilaaf iyo aqoonsi la’aan caalami ah, ayaa abuuray xaalad ay isku day kasta oo lagu doonayo in lagu gaaro deegaankaas uu wajahayo caqabado maamul oo u muuqda kuwo aan la jabin karin.

In kasta oo aqoonsiga dowladnimo uusan mar walba la macno ahayn xalal la taaban karo ama shuruudo u sahlaya dalxiisayaasha inay yimaadaan, haddana kiiska Somaliland wuxuu iftiiminayaa farqiga weyn ee u dhexeeya siyaasadda dowladda iyo xaqiiqada siyaasadeed ee cakiran taas oo adkaynaysa dadaal kasta oo xiriir toos ah lagu samayn lahaa.

Ugu dambayntii, in kasta oo Israa’iil aqoonsatay Somaliland, waddada loo maro ayaa weli ka xiran Israa’iiliyiinta, annaguna halkaas ayaan ku xayirannay oo aan ka duuli waynay.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News