Wariya kale oo lagu dilay Muqdisho

Wariye Cabdixareed Cismaan Aadan,oo ka mid ah shaqaalahaa Idaacada Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa saaka kooxo hubaysan waxay ku dhaawaceen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Sida wararka ay sheegayaan kooxo bastoolado wata ayaa weerarka u geystay wariyaha isaga oo ku sugnaa meel aan sidaa kaga fogeyn hoyga uu ka degen yahay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dhaawaca markii wariya loo geystay waxaa la sheegay inay u gurmadeen ciidamo ka tirsan dowlada oo ku sugnaa meel ka fogeyn halka lagu dhaawacay wariyaha, kuwaasi oo usoo qaaday isbitaalka Madiina.

Rasaasta ayaa la shegay in wariyaha ay ka haleeshay qoorta,xabadka iyo qeybaha hoose ee jirkiisa sida ay baahisay Idaacada Shabelle.

Alle ha unaxariistee wariyaha ayaa markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray,sida uu xaqiijiyay wariye Maxamed Bashiir Xaashi oo Shabelle ka tirsan.

Inaa lilaah wa inaa Ileyhi raajicuun