Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka dalka Zimbabwe ayaa xabsi dhigay Weriyaha lagu magacaabo Kenneth Nyangani, oo ka howlgala Wargeyska The NewsDay.
Xariga Weriyahaan ayaa ka danbeeyay kadib markii uu qoray warbixin ku saabsan labiska Marwada koowaad ee dalka Zimbabwe Grace Mugaabe.
Waxa uu Wariyaha qoray in Marwada Madaxweyne Robert Mugaabe ay bixisay dhar mustacmal ah oo loo qeybiyay taageerayaasha Robert Mugaabe iyo Xisbigiisa.
Dharka oo ahaa mustacmal ayaa la sheegay in Grace Mugaabe ay ku khaladay taageerayaasha iyadoo ka dhigtay kuwo cusub oo lagu maamuusay taageerayaasha.
Kenneth Nyangani ayaa lagu xiray Degmadda Mutare, welina lama soo maxkamadeyn, walow la sheegay in lagu soo oogi doono inuu aflagaadeeyey Marwada Madaxweyne Mugaabe.
Qoraalka Wariyaha ee ka baxay Wargeyska ayaa ahaa in dharkaasi lagu wareejiyay Xildhibaan Esau Mupfumi oo ka tirsan Xisbiga haya talada dalkaasi ee ”Zanu-PF” si ay usii gaarsiiso taageerayaasha.
Qorshaha Maxkamada Degmadda Mutare ayaa ah in Wariyaha loo jaro dhowr sano oo xarig ah, bacdamaa uu u gafay Marwada Madaxweynaha.
Si kastaba ha ahaatee, xariga Wariyaha ayaa waxaa aad u hadal haya Wargeysyada caalamka waxaana lagu sifeynayaa mid caqli gal ah, kadib markii loo geystay jir dil xoogan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

