24.6 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Warqad muujineysa takoorka Michael Keating uu ku hayo Soomaalida

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska QM ee Soomaaliya ee loo yaqaan UNSOM ayaa ku kacaya fal u muquda mid lagu takoorayo dadka Soomaaalida ah ee wax barta ee shaqo doonka ah.

Caasimada Online ayaa heshay warqad shaqo raadis ah oo xafiiska QM uu soo saaray taasi oo lagu dalbanayo booska Human Resources Assistant, kana furan qeybta xafiiska Muqdisho.

Hase yeeshee arrinta yaabka leh ee UNSOM ku kacday ayaa ah in qeybta ugu horeysa ee warqadda lagu qoran in shaqadan ay u furan tahay kaliya dadka Kenyan-ka ah.

Waxaa is-weydiin mudan sababta xafiiska QM ee Soomaaliya ka mamnuuceysa dadka Soomaalida ah ee siineysa dadka Kenyan-ka ah. Ma Soomaalida ayaan lahayn aqoon ku filan mise waa takoor gaar ah.

Waxaa lagu yaqaan hay’adaha caalamiga ah marka ay dal ka shaqaalaynayaan dad ay badanaa qortaan dadka u dhashay dalkaas, hase yeeshee waxaa hadda muuqata siyaasad yaab leh oo Michael Keating uu ku dhaqmayo.

Dowladda Somalia oo ah dowlad magac un u jirta oo aan dalka waxba kala soceyn ayaan laga fileyn inay arrintan wax ka qabato.

Hoos ka arag warqadda

[su_document url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/11/download-3.pdf” width=”700″ height=”1300″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News