27.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

“Wasaarada arrimaha gudaha ayaa igu amartay inaan ka amarqaato Shariifka”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan maamul loo dhisay Koofur Galbeed ee Somalia, ayaa waxaa arrin taasi la xiriirta ka hadlay Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii oo ah Gudoomiyaha Gobalka Shabeelah Hoose.
Siidii ayaa waxa uu sheegay in xiligaani iyo wixii ka dambeeya ka maamul ahaan uu si toos ah u hoostagi doono Maamulka Koofur Galbeed ee uu Madaxweynaha ka yahay Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sidoo kale sheegay in xilligaan uu toos u hoostago maamulka Koonfur Galbeed, amarkana halkaasi uu ka qaadanayo.

”Amarkaani waxa uu kasoo baxay wasaaradda arimaha gudaha, waxaa leygu amray inaan si toos uga amarqaato Maamulka Seddexda Gobol, taasina diyaar ayan u ahay”

C/qaadir Siidii waxa uu sheegay inuu soo dhaweynayo madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo amarka kasoo baxay Wasaarada.

Dhanka kale Siidii ayaa soo hadal qaaday maamulo kale oo gobalkaasi sheegta in ay maamulaan sida Shabelle State, waxaana uu sheegay in maamul aan ahayn Koonfur Galbeed aanu halkaasi ka jirin.

Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah gobalada hoostaga maamulka Koonfur Galbeed, waxaana halkaasi ku taala xarunta maamulka oo ah degmada Baraawe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News