Wasaarada Waxbarashada K/G oo war la yaableh kasoo saartay doorashada Baraawe

Baydhabo (Caasimada Online) – Wasaaradda waxbarashada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa war la yaableh oo lama filaan noqday kasoo saartay doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo maanta ka dhaceyso magaalada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda ayaa waxaa sii gaar ah looga hadlay kursiga tirsigiisa uu yahay HOP#160 oo ay u sharraxan yihiin Maxamed Yuusuf Xasan oo ah wasiirka waxbarashada dowlad gobaleed Koonfur Galbeed iyo Mudane Cali Abuubakar Maxamed.

Wasaaradda ayaa hambalyo horudhac ah usii dirtay wasiir Maxamed Yuusuf oo maanta u tartamaya kursigan, kaas oo lasoo warinayo in si gaar ah loogu xiray.

“Dhamaan masuuliyiinta, Agaasimayaasha iyo Howl wadeenada Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mohamed Yusuf Hassan, oo maanta la gadoonsiiyay shahaadadiisa musharaxnimo isaga oo utartamayo kursiga HOP# 160 deegaan doorashadiisu tahay Baraawe.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhacdadan ayaa ah mid dhif iyo naadir ah, kuna cusub siyaasadda, gaar ahaan doorashada Soomaaliya oo ah mid dadban, isla-markaana laga soo calaameeyey khaladaad fara badan.

Si kastaba kursigaan la filayo inuu ku soo baxo wasiirka waxbarashada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed waxaa horey ugu fadhiyey, gaar ahaan Baarlamaankii 10-aad Xildhibaan Nuur Siidow Baaba, kaas oo gebi ahaan laga reebay tartanka, loona diiday doorashada.